4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysanayo nabad kusoo celinta dalka Soomaaliya

Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay shabakad dalka Jabuuti laga leeyahay oo lagu magacaabo Djibouti's La Nation inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad kusoo celinta Soomaaliya.

Dalka Jabuuti ayaa waxay boqolaal askari ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM oo dowladda KMG ah ka caawinayo sidii ay Al-shabaab uga adkaan lahayd.

"Siyaasadda Jabuuti waa mid ay kaga shaqeynaysa nabadeynta Soomaaliya, iyadoo u sii maraysa urur goboleedka geeska Afrika ee IGAD iyo midka Qaaradda Afrika," ayuu yiri Maxamuud Cali.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay dalalka caalamka inay gacan ka geystaan sidii nabad loogu soo celin lahaa Soomaaliya kaddib 21-sano oo ay ka dhacayeen dagaallo iyo rabshado uu dhiig badan ku daatay.

"Jabuuti waxay mjuddo dheer gacanta kula jirtay sidii nabadda Soomaaliya loo heli lahaa, waxayna soo billaabatay sannadkii 2000 oo dowlad Soomaaliyeed lagu dhisay magaalada Carta iyo xilliyadii ka dambeeyay oo lagu soo unkay dowladda KMG ah," ayuu wasiirku hoosta ka xariiqay.

Ciidamada dalka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa qaybtoodii hore la geeyay magaalada Baladweyne ee xartunta gobolka Hiiraan, iyadoo qorshuhu yahay inay ka howlgalaan bartamaha Soomaaliya.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxaa laga dhigay sarkaal sare oo Jabuutiyaan ah, kaasoo lagu magacaabo, Col. Cali Aadan Xaamud, taasoo muujinaysa in Jabuuti ay miisaan culus ku dhex leedahay howgalka AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya