4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
Hillary Clinton oo kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida (SAWIRRO)
shir5.jpg

Sabti, August 04, 2012 (HOL) - Xoghayaha amuuraha dibadda ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa maanta kulan la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida.

Kulankan oo intiisii badnaa ahaa mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa lagu lafa guray sidii loo dhammaystiri lahaa tallaabooyinka ka harsan Roadmapka iyo qabashada doorashooyinka dabayaaqada bishan.

Ka hor inta uusan kulanku bilaaban ayay Clinton hadal kooban jeedisay, iyadoo  sheegtay in ay kala hadlayso madaxda Soomaalida soo afmeerida ku meel gaarka iyo sidii ay Soomaaliya u yeelan lahayd dawlad dhammaystiran.

Kadibna waxay kulan socday saacad ku dhawaad la qaadatay hogaamiyayaasha Soomaalida, sida: Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul wasaare C/wali Maxamed Cali, Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole, Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo wakiilka Ahlu Sunna C/qaadir Macallin Nuur.

shir3.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulanku markuu dhammaaday kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu ahaa mid guul ku soo dhammaaday.

Sheekh Shariif ayaa beeniyay inay jirto wararka sheegaya in cadaadis uu Maraykanku saarayo hogaamiyayayasha magacyadoodu ay ku jiraan liiska qaramada midoobay ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa.

Waxaana sida aan ka helnay ilo xog-ogaal ah kulankii maantay ay Hillary Clinton ku ballanqaaday inay Soomaaliya ka taageerayaan ka bixitaanka kumeel gaarka.

Clinton ayaa sidoo kale hogaamiyayaasha Soomaalida ku boorrisay inay ku soo afjaraan dhammaan arrimaha dhiman gudaha bishan August, iyadoo sidoo kalana codsatay in aan lagu xadgudbin qoondada haweenka loogu talagalay inay ka helaan awood qaybsiga dalka ee lagu qeexay Roadmapka, taasoo siinayso 30%.

shir4.jpg
shir2.jpg
shir.jpg
shir6.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya