4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 4 , 2012
Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka SSCD ee Qiimeynta ku hadhay oo loo Magacaabay Wasiir-u-dawlaha Nabadeynta Arrimaha Goboladda Bariga
Sabti, Ogoosto 04, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa gudoomiyihii urur siyaasadeedka SSCD oo ka mid ahaa ururaddii ku hadhay qiimeyntii guddidda Diiwaangelintu samaysay u magacaabay wasiirudawlaha Nabadaynta Arrimaha goboladda Bariga Somaliland.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa lagu sheegay xilkaasi cusub ee loo magacaabay Kayse Cabdi Yuusuf.

“ Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo waxa uu xeer Madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1246/082012     ku magacaabay Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga ee JSL, Inuu ahaado Mudane, Kayse Cabdi Yuusuf.”ayaa lagu yidhi war-saxafadeedkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu arkay baahi loo qabo Xallinta khilaafka iyo habsami u socodka Arrimaha nabadgalyadda iyo siyaasadda Gobolladda Bariga Somaliland, taasina ay keentay in la abuuro jagada Wasiiru-Dawlaha Nabadaynta Arrimaha Gobollada Bariga oo hoos iman doonta Madaxweynaha.

Kayse Cabdi Yuusuf ayaa hore waxa uu ahaa madaxda ururka SSC ee dagaalka kula jiray Somaliland, ka dibna waxa uu sheegay inuu nabad qaatay waxaanu aasaasay urur siyaasadeed la yidhaa SSCD, kaas oo ka qaybgalay is reebreebkii ururada, waxaanu ka mid noqday sagaalkii urur ee ku hadhay qiimeynta laga rabay ururadda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland