4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 28, 2012
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo sheegay waxyaalaha looga baahan yahay musharaxa golaha deegaanka iyo xisbigiisa
Talaado, Ogoosto 28, 2012 (HOL) — Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey waxyaalaha looga baahan yahay xisbiyadda, ururadda iyo musharaxiinta laga rabo.

“Xisbigaurur kasta oo doonaya in uu ka qaybgalo doorashada goleha deegaanka, waa in uu komishanka doorashooyinka qaranka u gudbiyo liiska musharaxiinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan, kaas oo ku sargo’an tirada kuraasida degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah oo ku salaysan habka liistada furan (Open list system), waxa Komishanka doorashooyinka Qaranku u siin doonaa musharax kasta lambar u gaar ah oo u noqon doona sumad”ayuu yidhi Afhayeenka guddidda Doorashooyinka Mr:Maxamed Axmed Xirsi Geelle  oo shirjaraa’id ku qabtay xaruntoodda.

Xafiiska komishanka ama xafiisyadiisa doorashada ee degmooyinka waxay hubinayaan in musharaxiinta liisaska ku qorani buuxinayaan dhamaan shuruudaha u dhigan xeerkooda, musharaxa aan buuxin shuruudaha waxa lagu celinayaa ururkii ama xisbigii soo sharaxay si ay u soo bedelaan.

Sidoo kale, waxa musharax kasta laga rabaa inuu bixiyo deebaaji lacag dhan hal milyan oo Somaliland shilling una dhigma ilaa $150 dollar, waxa kale oo ka reeban musharaxa in tobankii sanno ee u dambeeyey ay maxkamadi kaga hor cadaan xukun ciqaabeed.

Shuruudaha kale waxa ka mid ah in musharaxa isku soo sharxaya degmooyinka A iyo B inuu leeyahay aqoon dugsi sare, halka degmooyinka C iyo D laga reebo dugsi dhexe, isla markaana yahay cashuur bixiye degmada uu degan yahay ama uu ka qaybqaatay si mutadawacnimo ah hawlo dan guud ah ee degmadaas.

Sidoo kale waxa ku waajib ah musharaxa golaha deegaanka haddii uu yahay shaqaale dawladood inuu shaqada ka tago bishan dhamaadkeedda, keenana cadayn shaqo ka tigis ah, waxa kale oo ay sheegeen in 14 September wixii ka dambeeya aan xisbina laga qabanayn wax liis ah.

29 Octobar ayey si rasmi ah u bilaabmayaan ololihii musharaxiinta golaha deegaanka waxaanu xidhmayaa 25 November, halka 28 doorashadda loo dareeri doono.

Sidoo kale, xisbiyada waxay ugu baaqeen in degmo kasta xisbi waliba soo buuxiyo musharaxiintii loogu talogalay oo aan la rabin in tiro ka yar intii loogu talogalay usoo gudbiyo gudidda doorashooyinka.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland