4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Abwaan Cali C/lle Guure oo Indhool ah oo sheegay inuu u Taagan yahay Qabashada xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya

Musharrax Abwaan Cali Cabdulle Guure

Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Abwaan Cali Cabdulle Guure oo ah Indhool ayaa sheegay inuu u taagan yahay qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya oo lagu wado in toddobaadyo kaddib ay ka dhacdo Muqdisho, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inuu kusoo baxo doorashada.

Guure oo 67-jir ah ayaa sheegay inuu ku dhashay Degmada Buulo-burte sannadkii 1945-kii, uuna indho beelay isagoo sagaal sano jir ah, balse uu intii uu indhaha la'aa bartay fardo-fuulka iyo dabaasha.

"Waxaan ahay murashaxii ugu horreeyay oo Indhool ah oo Afrika oo dhan isku soo taaga xilka madaxweynenimo. Waxaan rajeynayaa in aan noqdo ruxii ay Soomaaliya ku degi lahayd," ayuu yiri Guure.

Sidoo kale, abwaanku wuxuu sheegay in haddii uu ku guuleysto jagada madaxnimo ee dalka uu ballanqaadayo inuu dalka kusoo dabbaalayo nabad, sidoo kalena uu ka dhigayo mushaarka xildhibaannada iyo ciidamada kuwo joogto ah oo aan baaqan.

"Dalka Indooniisiya markii wax dajiya la waayay waxaa Alle u soo saaray C/raxmaan Waxiid oo Indhool ahaa, anigana waxaan rajeynayaa in Alle uu sidaas oo kale iga dhigo Indhoolkii Soomaaliya ay ku degi lahayd," ayuu Murashaxu ku yiri wareysi uu siiyay HOL.

Abwaanka ayaa wuxuu sannadkii 1963-kii ka mid noqday shaqaalihii Radio Muqdisho isagoo ka shaqeynayay illaa 1975-kii, wuxuuna markaas kaddib ku biiray ganacsiga isagoo dalka keenay warshaddii sameyn jirtay qalimaanta BIG loo yaqaanay.

"Dalka waxaan ka tagay sannadkii 1990-kii bishii September, waxaana dib ugu soo laabtay bishii Maarso ee sannadkii 1991-kii. Waxaan mar kale ka baxay 1994-kii anigoo sannado badan ku noolaa Kenya, halkaasoo aan kala socday hadba halka uu xaalka dalku marayo," ayuu Guure ku sheegay wareysiga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in markii ay xalaadda dalku kasii dartay uu go'aansaday 1998-kii inuu Yurub aado, isagoo sheegay in tan iyo xilligaas uu ku sugnaa dalalka Yurub iyo Khaliijka uuna si dhow ula socon jiray xaaladda uu dalku marayo.

Abwaanku wuxuu sheegay in haddii la doorto uu haweenka Soomaaliyeed ee jidadka ku dhalaya uu u dhisi doono isbitaallo ay ku  dhalaan iyo xarumo caafimaadkooda lagu hubiyo, sidoo kalena uu bixin doonto lacagta cayrta loo yaqaan si dadka aan shaqeyn ay u helaan cunno iyo guryo, isagoo taas ku sheegay inay qayb ka tahay sugidda ammaanka; maadaama markii qofku baahdo uu ammaan-darro sameyn karo.

"Dalkeenna waa hodan, Soomaaliduna waa dad yaqaanna sida loo ganacsado waxa ka maqan waa ammaan, aniguna waxaan ballan-qaadayaa inaan nabadda ka shaqeyn doono," ayuu yiri Guure isagoo intaas ku daray: "Waxaan ka shaqeynayaa in Soomaaliya ay sannadka 2015-ka noqoto meel ay dadweyne badan oo calaamka ka yimid u soo shaqo doontaan."

Wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamay wararka sheegaya in mas'uuliyiinta Soomaalida ay hanti lunsadaan, taasoo uu sheegay inay tahay wax laga xishoodo, wuxuuna ku sheegay wareysigiisa in isagu uu yahay Indhool aanu damac uga jirin inuu urursado hantida dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Mar uu ka hadlay waxa ku kallifay xilligan adag inuu isku soo taago doorashada madaxnimo ee Soomaaliya weliba isagoo indhool ah ayuu sheegay inuu rajo weyn ka qabo inuu noqdo ninkii uu Alle dalkan ku dajin lahaa sannado badan oo dagaallo ah kaddib.

Sidoo kale, mar uu ka hadlay murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee dalka ayuu sheegay inay ku jiraan dad yar oo ay ka go'an tahay inay Soomaaliya ka bixiyaan dhibaatada ay ku jirto.

"Waxaan ka shaqeynayaa in Soomaaliya ay dalalka dariska ah kula noolaato nabad iyo iskaashi, sidoo kalena waxaan doonayaa inaan ka shaqeeyo inay Afrika oo dhan is-cafiso ayna khayraadkeeda lasoo baxdo," ayuu yiri Abwaanka.

Ugu dambeyn, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Alle ka baryaan inuu siiyo hoggaamiye daacad ah oo hanan kara dalka iyo dadka, sidoo klaena dalka ku maamula diinta Islaamka, dastuurka oo xeer lagu heshiiyayna dhaqan-geliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya