4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 26, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Xildhibaannadii dib loo celiyay ay Go'aan ka gaari doonto Maxkamadda Sare

Axad, Ogoosto 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xildhibaanadii dib loo celiyay ay go'aan ka gaari doonto maxkamadda sare ee dalka, kaddib shir jaraa'id oo uu xalay ku qabtay madaxtooyada Soomaaliya.

Shariif Sheekh ayaa sheegay in kulan uu la qaatay ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali iyo guddoomiyihii baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh ay iskula garteen arrintan isagoo xusay in 24-ka saac ee soo socda ay maxkamaddu go'aan ka gaari doonto arrintaas.

"Ma jirto cid dambi ay maxkamadi ku caddeysay sidaa daraadeed waxaan u gudbinnay arrintooda maxkmadda sare iyada ayaan go'aan ka gaari doonta," ayuu yiri Shariif Sheekh oo warbaahinta uga warbixinayay go'aannadii kasoo baxay shirkii uu la yeeshay C/weli Gaas iyo Shariif Xasan.

Balse warar kale ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha iyo labadan mas'uul oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka cusub uu kulankooda ku dhammaaday guul-darro, iyadoo labadan mas'uul iyo madaxweynuhu ay uy u taagan yihiin xilka madaxnimo ee Soomaaliya.

Mas'uul ka tirsan maxkamadda sare ayaa sheegay in maxkamadda sare ay maanta u fariisan doonto dacwadda arrintan ku saabsan ayna isla maanta go'aan ka gaari doonto, iyadoo mas'uulku uu sheegay in maxkamadda sare ay su'aalo weydiin doonto guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka ayna dib u eegi doonto heshiisyadii horay loo gaaray ee ku saabsan xulista baarlamaanka.

Tan iyo markii ay guddiga farsamadu dib u celiyeen xildhibaanno ay ku eedeeyeen in loo haysto dambiyo ayaa waxaa jiray muran xooggan oo ku saabsan dib u celinta xubnahaas, kuwaasoo uu ku lug lahaa madaxweynaha Soomaaliya.

Lama oga go'aanka ay qaadan doonto maxkamadda sare ee dalka, inkastoo ay jiraan warar hoose oo sheegaya in guddoomiyaha maxkamadda sare iyo madaxweynaha Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaadka yahay ay aad isugu dhow yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya