4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 25, 2012
Ururka IGAD oo Hoggaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqay inay soo gabgabeeyaan howlaha ka harsan xilliga Ku-meel-gaarka
Sabti, Ogoosto 25, 2012 (HOL) — Urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalka ku yaalla bariga Afrika ee IGAD ayaa ugu baaqay madaxda Soomaalida inay si dhaqso ah ku dhameystiraan howlaha uga harsan ka gudbidda xilliga KMG ah.

Warsaxaafadeed uu ururku kasoo saaray magaalada Nairobi Jimcihii shalay ayuu ku sheegtay in ka bixitaanka xilliga KMG ah oo la xaqiijiyay ay Soomaaliya u furayso in ay u gudubto waji cusub oo horumar iyo nabad leh.

"Waxaan rumeysannahay in lagu guuleysan karo sidii howshan adag lagu qaba lahaa," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka IGAD. "Waxaan ku dhiirigelinaynaa qaybaha Soomaalida inay howshan dhameystiraan."

Isniintii lasoo dhaafay ayaa la dhaariyay 211 mudane oo ka mid ah 275 xildhibaan oo uu ka kooban yahay baarlamaankan oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka oo hab beeleed ku keenay xildhibaannadan.

Xidhibaannadan oo 30% ay yihiin haween ayaa laga doonayaa inay doortaan maalmaha soo socda guddoon uu yeesho baarlamaanka Soomaaliya, markaas kaddibna ay doortaan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

"IGAD waxay hambalyo u diraysaa xildhibaannada lasoo doortay, hoggaamiyeyaasha Soomaaliduna waa inay howshan harsan ku dhameystiraan si dhaqso ah," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay IGAD, iyagoo xusay in howshan oo la dhameystiro ay fursad u tahay Soomaaliya oo dhan.

Baarlamaankan cusub ee Soomaaliya ay yeelatay ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo joogto ah tan iyo markii xukunka laga tuurtay dowladdii mliateriga ahayd ee uu hoggaaminayay Jen. Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya