4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 24, 2012
Kooxo Bastoolado ku hubeysan oo Xalay Macallin Dugsi ku dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir
Jimco, Ogoosto 24, 2012 (HOL) — Kooxo Hubeysan ayaa xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku dilay macallin dugsi Qu'raan oo si weyn looga yaqaan deegmadaas; iyadoo aan la ogeyn sababta loo dilay macallinkaas iyo kooxaha dilkiisa ka dambeeyay.

Maamulka degmada Wadajir ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin dilkaas, inkastoo ciidamada degmada ay qabqabteen dad dhowr ah oo ay ku eedeynayaan inay wax ka ogaadeen dilka loo geystay macallinka sugsi Qur'aanka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dableyda dilka geystay ay ahaayeen saddex ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo macallinka si gaadmo ah ku dilay xilli laga soo baxay salaaddii Cishaha, waxayna dhowr xabbadood kaga dhiftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Dableyda ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aan la ogeyn halka ay u baxsadeen iyo cid ay ka tirsanaayeen, waxaana falkan uu qayb ka noqonayaa falal dilal ah oo tan iyo billowgii sannadkan ka dhacayay gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

"Ciidammo badan ayaa goobta yimid dilka kaddib waxayna amar ku bixiyeen in la xiro goobaha ganacsiga, xalaadduna waxay noqotay mid bandow ah," ayuu yiri ganacsade ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay meel ku dhow.

Degmada Wadajir oo ka mid ahayd degmooyinka ugu nabadoon Muqdisho intii ay Al-shabaab ka talinayeen inta badan degmooyinka caasimadda Soomaaliya ayaa hadda isku bedeshay meesha ugu ammaanka daran, waxaana degmadaas ku nool shacab aad u fara badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya