4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Dowladda Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in Gobolka Hiiraan loo Qaybiyay laba Gobol
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday in gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya laba gobol loo qaybiyay, kuwaasoo kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu noqonayso degmada Buulo-barde.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya oo ku taariikheysnayd bishii July ee sannadkan ayaa waxaa lagu shaaciyay in gobolka Hiiraan uu wixii ka dambeeyay hadda uu noqonayo laba gobol.

"Gobolka Shabeellada sare waxaa loo aqoonsaday gobol gaar ah oo ka go'ay gobolkii hore ee Hiiraan, dhammaan hay'adaha dowladda waxaa laga codsanayaa inay dhameystiraan baahida kaga aadan gobolkan cusub," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo ku lifaaqnaa wareegtada lagu magacaabay gobolkan cusub.

Faafintan rasmiga ah ee kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gobolka Hiiraan uu ka mid ahaa siddeedii gobol ee Soomaaliya lagu aasaasay, haddana ay noqonayso markii ugu horreysay oo la kala jaro.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegatadiisa ku sheegay inuu magacaabista gobolkan cusub u cuskaday qodobbo ka mid ah axdiga dalka, magacaabistiisa ay ku timid codsi ka yimid wasaaradda arrimaha gudaha.

Gobolka Shabeellada sare oo gobollada dalka Soomaaliya ka dhigaya 19 gobol ayaa wuxuu ka kooban yahay toban degmo oo kala ah: Buulo-burte, Jalalaqsi, Maxaas, Show, Buur-weyn, Ceel-ciid, Qoryaalle, Halgan, Moqo-kori iyo Buqda.  

Sidoo kale, gobolka Hiiraan oo magacaalo madaxdiisu tahay Baladweyne, ayaa wuxuu ka kooban yahay 000 oo kala ah: Badweyn, Matabaan, Jawiil, Far-libaax, Ceel-cali, Yucubkam, Beer-gadiid, Macaan-qaalle, Buuco, Abaaleey iyo Feerfeer.

Ugu dambeyn wareegtada lagu magacaabay gobolka cusub ee Shabeellada sare oo ka go'ay gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay in soohdimaha gobolladan dib laga habeyn doono.

Wareegtadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo maalmo ka hor lagu qabtay Muqdisho xaflad looga dhawaaqayay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo daris ah, taasoo ay ka qaybgaleen wasiirro iyo xidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya