4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
FAARAX MACALLIN: "Zenawi wuxuu ahaa nin lixaad weyn ku leh dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya"

Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, Faarax Macallin oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Itoobiya, Meles Zenawi ayaa wuxuu ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Faarax Macallin oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Zenawi uu isagu abuuray Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta uu ku fikirayay in halista Soomaaliya oo uu abuuro uu dalkiisu ku kobci karo.

"Geerida ku dhacday xag ilaahay ayay ka timid ee ma ahan mid bani'aadam gacanta ku hayo - Laakiin laabaatankii sano ee lasoo dhaafay Malas wuxuu qayb lixaad leh ku lahaa dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, waxaana uu arrimahaas oo dhan u sameynayay isagoo ku xisaabtamaya waxyaabo taariikhi ah oo uu iska dhaadhiciyay," ayu yiri Faarax Macallin.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, ayaa wuxuu sheegay in caalamku uu u haysto inuu la dagaalamayay kooxo argagaxiso ah, laakiin anigu waxaan u arkaa in Al-shabaab ay ku abuurantay markii uu xoog ku galay Soomaaliya oo uu dadkii ku noolaa uu baabi'iyay.

"Dad badan ayaa yiri wuxuu ahaa nin la dagalaamayay argagaxiso laakiinse anigu waxaan u arkaa inuu mas'uul ka yahay dhibaatada ka tagaan Geeska Afrika uuna rumeysnaa inaan lagula xisaabtamayn dhibaatada uu geysanyo inta dagaalka kula jirto Al-shabaab," ayuu yiri Faarax Macallin.

Sidoo kale, Faarax wuxuu ku eedeeyay Zenawi inuu ahaa nin ku dhaqmaya qabiil, isla markaana aan ogoleyn nabad Soomaaliya, balse wuxuu rajo ka muujiyay inuu geeridiisu ay wax badan ka bedeli doonto xaaladda geeska Afrika.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya wuxuu sheegay inay Soomaaliya hadda joogto xilli ay kala garan karto cadowgeeda iyo saaxiibkeed ayna iyaga go'aan ka gaarayaan sida ay kula noolaanayaan Itoobiya, balse wuxuu xusay in dadkii moodayay in Meles Zenawi uu Soomaaliya wanaag u horseedayo ay ku jiraan baroor.

Faarax Macallin wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiinta Kenya ee sida aadka ah uga soo horjeestay inay ciidamada Itoobiya soo galaan Somaaliya sannadkii 2006, isagoo howgalkaas ku tilmaamay mid faragelin lagu sameeyay dalka Soomaaliya. Iyadoo Macallin uusan Itoobiya booqasho ku tegin intii uu Zenawi ra'iisul wasaaraha ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya