4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 22, 2012
Ciidamada AMISOM oo la wareegay Sugidda Ammaanka Waddada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye
Arbaco, Ogoosto 22, 2012 (HOL) — Ciidamada AMISOM ayaa si toos ah maanta ula wareegay sugidda ammaanka jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo ay inta badan ka dhacaa iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab.

Deegaannada ceelasha biyaha, Lafoole iyo Xaawo-cabdi oo dhammaantood ka mid ahaa deegaanno ka sameysay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa lagu arkayay gaadiid ay wataan ciidamada AMISOM oo roondo ilaalo ah halkaas ka sameynayay.

"Gaadiidka AMISOM ayaa maanta billaabay inay socod ku maraan waddada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta, tani waa mid aan aad u soo dhaweynayno, waayo waxaa meesha ka baxayay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo lacago si baad ah nooga qaadi jiray," ayuu yiri mid ka mid ah darawallada

Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegay inay ciidamada dowladda ku sugan yihiin saldhigga degmadaas oo keliya, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay in ciidamada AMISOM ay la wareegaan sugidda ammaanka inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa waxay bishii May ee sannadkan la wareegeen gacan ku haynta deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye oo ay ka talin jirtay Al-shabaab.

Inkastoo Al-shabaab aysan hadda maamulin deegaannada duleedka Muqdisho ku yaalla haddana waxay weerarro gaadmo ah la beegsadaan gaadiidka dowladda ee maraya jidkaas iyo saldhigga ciidan ee deegaannadaas ku yaalla.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya