4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Maayarka Boorame oo Badeeco dhacday ka soo ururiyey Bakhaarro ay ku keydsaney (SAWIRRO)


Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL)- Dawladda Hoose ee Degmadda Boorame waaxdeeda Fayo dhawrka ayaa hawlgal ay ka sameeyeen bakhaaradda magaaladaasi ku soo ururiyey Badeecado wakhtigii isticmaalkoodu dhacay oo la iibinayey.

Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna Maayarka Boorame Md: Cabdiraxmaan shide Bile  ayaa  u digay ganacsatada ay u kaydsan yihiin badeecadaha dhacay ee isticmaalka wakhtigoodu dhacay, waxaanu sheegay in ciddii ka dhago adeegta inay iska nadiifiyaan raashinka dhacay ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

“ sidaad aragtaan waxa shaqaalaha dawladda hoose ee magaaladu dukaanno iyo meheradaha magaalada kasoo ururiyeen alaabtaasi wakhtigoodu dhacay ee u badan cuntada, Sharaabka, waxyaalaha la isku qurxiyo iyo xitaa dawooyinka xoolaha”ayuu yidhi Maayarka Boorame Shide  oo ka waramayey badeecadaha dhacay ee ay soo ururiyeen, waxaanu intaas ku daray “waxay ganacsato aan iimaan lahayni dadka ka iibinayaan badeecado afar  sano dhacsanaa  oo xitaa ay ku jiraan dawooyinka xoolaha,  xooluhu malaha caqli ay iskaga eegaan dawadaasi inay dhacday iyo inkale. si aan u xoojinno hawlahan waxa waaxda fayodhawrka ee golaha Deegaanka  isbitaalka Guud ee Boorama uga keennay dhakhtar kala shaqeeya arrimahan”


Maayarku waxa uu ganacsatadda u qabtay muddo todobo cisho ah inay ku soo wareejiyaan Raashinka dhacay ee bakhaaradda yaalay,  amarna ku bixiyey in cidii wax ka bedesha taariikhda dhici taanka ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

“ciddi wax ka bedesha taatiikhda dhicitaanka waxa lala tiigsan doonaa sharciga, ganaax culusna waa la saari doono”ayuu yidhi maayar Bile Shide oo si adag ula hadlayey ganacsatadaasi iibisa raashinka dhacay.

Talaabadan ayaa ah  mid lagu hagaajinayo caafimaadka dadweynaha, kuwaas oo ay jiraan dad caadaystay inay badeecado dhacay ka iibiyaan dadka, isla markaana halis galiya caafimaadka shacabka.





Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland