4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Guriga Guddoomiyaha Degmada Laascaanood oo bam lagu weeraray iyo Barakacayaal baaq u diray Somaliland
Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Dablay aan la aqoonsan ayaa xalay bambaano ku weeraray guriga maayarka ama guddoomiyaha degmada Laascaanood ee gobolka Sool, Faarax Cabdi Yare.

Haseyeeshee lama sheegin cid wax ku noqotay marka laga reebay askari ilaalo u ahaa maayarka oo dhaawac fudud ka soo gaadhay, waxaanu maayarkani shaqadda hayey muddo kayar labaatan cisho.

Magaaladda Laascaanood ayaa inta badan waxa ka dhaca dilal qorshaysan oo lagu beegsanayo masuuliyiinta gobolka Sool, ilaa hadana cid loo qabtay falalkaasi ma jiraan, wallow masuuliyiinta ku af gobaadsadaan in baadhitaan wadaan, haseyeeshee cid rasmi ah oo loo soo qabtay ma jiraan.

Dhinaca kale, Barakacayaasha magaaaladda Laascaanood ayaa shalay isku soo bax cabasho ah ka sameeyey magaaladda Laascaanood, kuwaas oo dawladda ka dalbanayey inay hoos u eegto baahiyahoodda, maadaama oo aanay wax shaqo ah hayn, oo ay u baahan yihiin taakuleyn iyo gurmad loo fidiyo.

“Waxa na haysto nolol xumo, bishii Ramadaan  gaajo ayaa na dishay , Somaliland nabad waana ku haysanaa,laakiin noloshii way xun tahay , caruurtii  waa ay macaluuleen, habeenkii waxba looma kariyo”ayuu yidhi mid ka mid ah barakacayaasha oo dawladda baaq u dirayey.

Barakacayaashan ayaa ka cabanayey daryeel la’aan nolosha ka haysta iyo xukuumadda oo aan ka war hayn, iyadoo sheegay in nabad mooyee noloshii kale iyo wax ay ku noolaadaan aanay haysan, sidaa darteed baaq u diray in loo gargaaro.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland