4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 2 , 2012
Guddoomiyaha Degmada Huriwaa oo sheegay in Ciidamada dowladda ay ka geystaan degmadaas dil, dhac iyo kufsi

Khamiis, Ogoosto 02, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo la hadlay saxaafadda ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda KMG ah inay dhac, dil iyo kufsi ka geystaan degmadaas, isagoo ka dalbaday mas'uuliyiinta dowladda inay ka hortagaan falalka ay ciidamadu ka geysanayaan degmadaas.

Cumar Jacfaan, wuxuu sheegay in shalay la dilay haweeney rayid ah, isagoo sidoo kale sheegay inay jiraan haween badan oo la kufsaday iyo dad shacab ah oo la dhacay, isagoo sheegay in ciidamadu ay tuutaha u wataan inay dadka difaacaan, balse aysan ahayn inay iyagu dhibaateeyaan.

"Degmada Huriwaa waxaa ka socda dhibaatooyin ay ciidamadu u geysanayaan shacabka, waxaa jira haween la kufsaday kuwo la dilay iyo dad la dhacay, waxaan ku baaqaynaa in ha'yadaha ammaanku ay soo farageliyaan arrinta socota," ayuu yiri Cumar Jacfaan.

Guddoomiyaha degmada Huriwaa wuxuu sheegay inaysan jirin cid ay ka baqayaan oo aysan qarin karin dhibaatada socota, isagoo madaxda dowladda KMG ah iyo saraakiisha ciidamada ugu baaqay inay gacan geystaan sidii looga hortegi lahaa falalka ay ciidamada DKMG ah ka geysanayaan degmadaas.

Hadalka guddoomiyaha degmada Huriwaa ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Arbacadii shalay uu ka dhacay degmadaas dibadbax ay dhigayaan dad shacab ah oo sheegay inay ka cabanayaan dhibaatooyin ay u geysanayaan ciidamada dowladda KMG ah.

Degmada Huriwaa oo dhinaca waqooyi kaga taalla Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka dhaca dilal iyo weerarro ay mas'uuliyadooda sheegatay Xarakada Al-shabaab, inkastoo guddoomiyaha degmadaas uusan kuwaas ka hadlin.

Madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada ayaa dhowr jeer uga digay askarta DKMG ah inay dhibaatooyin u geystaan shacabnka, iyagoo sheegay in askarigii lagu helo inuu dhibaateeyay shacabka la ciqaabi doono, inkastoo ay weli jiraan cabasho ka imaanaysa shacabka, taasoo ku aaddan dhibaatooyin ay ciidamadu u geysteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya