4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Dhallinyaro Qurbaha ka timid oo booqday Xarun lagu Tababaro Dhallinyaro dagaalladu ay saameyn ku yeesheen

Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Dhallinyaro ka kala yimid dalalka UK iyo Canada oo maalmahan fasax ku joogay Soomaaliya ayaa hay’adda iskuxirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaliyeed ee SOYDEN fursad u siisay inay dhalinyaradaas ku boodaan xarunta lagu tababaro.

Xuruntan oo lagu tababaro qiyaastii 200 oo dhallinyaro ah ayaa waxaa hirgelinteeda gacan ka geystay hay’adda horumarinta ee Qaramada Midoobey UNDP iyo IOM-TIS ee USAID.

Madaxa hay’ada SOYDEN, Cismaan Macallin ayaa sheegay in ujeeddada laga lahaa booqasahadan ay ahayd sidii loo dhiiri-gelin lahaa dhallinyarada dalka ku nool si ay wadankooda wax ugu baran lahaayeen ayna wax ugu qabsan lahaayeen, ayna ka geystaan gacan dib u soo nooleynta Qarankii dumay.


"Mar haddii ay dhalinyaradan qaarkood wax kusoo barteen kuwa kalena muddo dheer kusoo noolaayen dalka dibaddiisa waxaa muhiim ah inay waayo aragnimada ay ka soo dhaxleen nolosha dibadda ay la wadaagan dhallinta dalka ku hartay una muujiyan faa’idada uu qof walba dhulkiisa u leeyahay," ayuu yiri madaxa SOYDEN.

Sidoo kale, Cismaan Macallin wuxuu sheegay in dalka uu maanta isbedel weyn ka socda isbedelkaas oo u baahan in laga qayb-qaato si uusan hakad ugu imaan marka si taas ay u hirgashana waxaa lagama maarmaan ah in laysku xiro dhallinyarada gudaha iyo kuwa dibada ku nool si ay si wadajir ah wax u wada qaybsadaan.

Maxamed Xasan Muuse, Faysal Salaad, Maxamed Abshir iyo Maxamed Cabdi Yare oo ahaa dhallinyaradii qurbaha ka yimid ayaa waxay dhallinyarada Soomaaliyeed ka dhageysteen habka noloshooda iyo waxbarashadooda, dhankoodana waxay fikirro ka siiyeen habka nolosha qurbaha iyo waxbarashada dibadda.

"Runtii halkaan cabsi weyn ayaan ka qabnay markii aan imaanaynay, balse hadda waxaan aragnaa rajo weyn, waayo waxaa dib u dhismaya magaalada, sidoo kalena waxaa jira dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo wax baranaya, waana arrin aad loogu farxo," ayuu yiri Faysal Salaad oo la hadlayay dhallinyarada tababarku u socdo.


Sidoo kale, Maxamed Xasan ayaa isaguna yiri: "Waxbarashada dibadda iyo midda gudaha wax farqi ah uma dhexeeyaan waana hadba sida aad wax u barato, inkastoo ay shaqo helistaada ku xiran tahay hadba sida ay aqoontaada tahay."

Kulankan fikradaha la isku dhaafsanayay ayaa wuxuu kusoo dhamaaday jawi dagan iyadoo dhalinyarada dibada ka timid ay aad ugu farxeen in weli ay dhallinyarada Soomaaliyeed diyaar u yihiin inay gudaha dalka wax ku bartaan.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya