4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 17, 2012
Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo bixiyay amar lagu soo xiray Gacan yarihii Suldaanka beesha Tunni
Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa la sheegay inuu bixiyay amar lagu soo xiray gacan-yaraha ugaaska Beesha Tunni oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, kaasoo horay logoa saaray shirka odyaasha dhaqanku ay ku leeyihiin Muqdisho.

Suldaan Fiqi Sayid Suldaan Fiqi oo ah suldaanka beesha Tunni oo u warramay HOL isagoo ku sugan Muqdisho aya sheegay in ciidammo ka amarqaata taliyaha booliiska Soomaaliya ay xoog ku galeen guriga xoghayntiisii oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cabdi (Xabeeb).

"Ciidammo ka tirsan booliiska oo tiradoodu tahay 12 askari oo uu watay sarkaal lagu magacaabo Maxamed Jeylaani maxamed oo awoowe uu yahay taliyaha ayaa ugu dhacay gurigiisa xoghayahayga, waxayna u taxaabeen xabsiga oo uu illaa iyo hadda ku xiran yahay," ayuu yiri Suldaan Fiqi.

Sidoo kale, Suldaanku wuxuu hadalkiisa ku daray in maalin walba jirdil lagu sameeyo xoghayihiisa oo u xiran sida uu sheegay sababo la xiriira inuu warbaahinta dhowr jeer ka sheegay in suldaanka beesha Tunni uu yahay Suldaan Fiqi Sayid Suldaan Fiqi.

"Xariga xoghayahayga lagu haysto waa mid sharci-darro ah, waxaana dacwaddiisu ay u gudubtay xeer ilaalinta Qaranka; kamana daalayno dacwaddiisa inta uu dib u helayo xorriyadiisa," ayuu yiri Suldaan Fiqi.

Taliyaha ciidanka booliiska DKMG ah weli kama uusan jawaabin eedeynta kaga timid Suldaanka beesha Tunni oo uu kasoo jeedo, waxaana xariga xoghayaha gaarka ah ee Suldaan Fiqi lagu sheegay inay qayb ka tahay cadaalad-darada lagu hayo qaar ka mid ah duubabka Soomaaliyeed.

Hiiraan Online; News Desk