SAFIIRKA DOWLADA YAMAN EE SOOMAALIYA OO BEENIYAY IN DALKA YAMAN AY GAAREEN CIIDAMO ITOOBIYAAN AH OO KA SOO BAXSADAY DAGAALKA MUQDISHO

Isniin, 23, Apri. 2007 (HOL) Safiirka Dowlada Yaman u qaabilsan Dalka Soomaaliya Axmed Xaamid Cumar oo la hadlay Qalabka warbaahinta ayaa arin waxba kama jiraan ah Qoraal dhawaan ku soo baxay mid ka mid ah wargeysyada ka soo baxa dalka Yaman oo sheegayay in dalkaasi gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxsaday dirirta Magaalada Muqdisho.
 
Danjire Xaamid Cumar waxaa uu sheegay in warkaasi Shaacisay Jarii'rada Al-ayaan oo ah ayuu yiri Jarii'rad  ay leeyihiin kooxaha Mucaaradka ah ee dalkaasi Yaman isaga oo intaa ku daray in uu ahaa Qoraal aan sax aheyn lakiin wax u dhimi kara jiritaanka Wargeyska,  Xaamid Cumar waxaa uu intaa ku daray in ay jiraan dad ka kala yimid wadamo badan oo qaarada Afirca ah in ay u soo tahriibaan dalka Yaman Itoobiyaankuna uu ka mid yahay lakiin arinku uusan aheyn in  saraakiil Itoobiyaan ah ay ku jiraan Tahriibayaasha.
 
hadalka Safiirka ayaa ku soo beegmay xili dhawaan qaar ka mid ah qalabka warbaahinta ay qaateen warar uu qoray wargeys ka soo baxa dalka Yaman oo sheegay in dalkaasi soo gaareen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo cararay dagaalka Muqdisho,  oo xitaa ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Ciidamada.
 
dhanka kale Sh. Xasan Daahir Aweys oo ahaa Gudoomiyihii Golaha shuurada Midowgii Maxkamadaha ayaa ka codsaday Boqorka dalka Sa'cuudi Carabiya  Boqor C/dala in uu soo faro galiyo xaalada dalka soomaaliya gaar ahaan dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online