Axad, October 08, 2006(HOL): Madaxweynaha dalka Mareykanka George W. Bush ayaa markii ugu horeysay todobaad gudahiisa labo jeer soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya, taasoo ahayd mid aan caadi ahaan horay looga baran in uu wax badan ka sheego arrimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Bush oo ka hadlayay la wareegiddii ay Maxkamadaha Islaamiga ah la wareegeen magaalada Kismaayo ayaa sheegay in marka hore ay tahay in hubinayaan in Soomaaliya aaney ahayn saldhig ay kooxaha argagixisada ah ku nabadgalaan, taasoo uu xusay in ay tahay waxa ay haatan isha ku hayaan, inkastoo aanu faah faahin gaar ah ka bixin sida uu u arko is-baahinta maxkamadaha Islaamiga ay ku sii fidayaan gobollada Soomaaliya.
Sidoo kalena waxaa uu Mr. Bush soo hadal qaaday dagaallada dalka Ciraaq oo uu ku dooday in kooxda Al-Qaacidda ay ku fikireysay in ay Ciraaq Mareykanka isaga carari doonaan, iyagoo dib u eegaya casharradii Soomaaliya, “balse taasi uma rumoobin, waana ay ku hungoobeen”ayuu yiri Madaxweyne Bush oo Jimcadii quraac la lahaa boqolaal dad ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Aqalka wakiillada Mareykanka oo ay ku jireen xubno ka tirsan musharixiinta Xisbiga Jamhuuriga.
Madaxweyne Bush waxaa uu ku goodiyay in Mareykanku aanu ahayn sida markii ay askartooda tegayeen Soomaaliya, isla markaana ay argagixisada kula dirirayaan goob kasta oo Caalamka ka mid ah.
Dhanka kalena dooddii labaad oo looga hadlayo xiisadda Soomaaliya ayaa la filayaa in ay todobaadkan ka bilaabato Jaamacadda Johns Hopkins University ee ku taala Magaalada Washington ee dalka Mareykanka, iyadoo ay ka qeybqaadan doonaan khubarro iyo diblumaasiyiin u dhashay dalka Mareykanka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia