Talaado, October 17, 2006(HOL): Waxaa xoriyaddiisii dib u helay oo ay ciidamada Itoobiya iska soo daayeen Nin u dhashay Qowmiyadda Oromada oo mar sii horeysay laga af-duubay magaalada Beledweyne, isla markaana loo gacan geliyay Ciidamada Itoobiya.
Ninkan oo lagu magacaabo Saleebaan C/qaadir Cali ayaa sheegay in ay magaalada Beledweyne ka af-duubeen rag uusan garaneynin, kuwaasi oo gaari ku ritay, kadibna isaga tallaabiyay Deegaanada Feer Feer iyo Godey oo uu sheegay in loogu geystay falal isugu jiray handadaad iyo jir-dil.
Intii ay hayeen Ciidamada Itoobiyaanka ayuu sheegay in ay weydiinayeen su’aalo ay ka mid ahaayeen in uu xiriir la leeyahay Ururrada Al-Itixaad iyo Al-Qaacidda, wuxuuna caddeeyay in uu u sheegay in uu yahay nin Muslim ah oo Dugsi Qur’aan ku heysta Magaalada Beledweyne, isla markaana aan wax xiriir ah la lahayn Ururradaas.
Hayeeshee Maxamed Yuusuf Guure oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadda Islaamka Gobolka Hiiraan ayaa af-duubka Saleebaan C/qaadir ku eedeeyay Guddoomiyihii Degmada Beledweyne Aadan Cabdi Ciise (Aadan Garaaso), inkastoo aaney jirin cid rasmi ahaan Aadan Garaaso falkaas horay ugu eedeysay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia