More Articles
Jimco, Juun 05, 2015 (HOL) โ Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Sheekh Xusseen Cismaan Cali oo wareysi gaar ah siinayay laanta afka Soomaliga ee VOA ayaa ku eedeeyay ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya ee Liyu Booliiska inay Shacab ku Xasuuqeen sidda uu hadalka u dhigay deegaanka Deefoow ee Gobolka Hiiraan.
Warkii oo dhan
Khamiis, Juun 04, 2015 (HOL) โ Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku Ansixiyay Xubin ka mid noqonaya Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista dastuurka dalka, iyadoo kulanka looga hadlay arrimaha Amniga iyo dhibaatooyin ka jira dhul-xeebaadka Muqdisho.
Arbaco, Juun 03, 2015 (HOL) โ Ku dhawaad 10 Ruux ayaa ku Geeriyootay tiro kale oo intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmay kaddib dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka qarxay deegaanka Deefoow iyo tuulooyin hoostaga oo dhaca xadka gobolka Hiiraan uu la wadaag Itoobiya.
Talaado, Juun 02, 2015 (HOL) โ Madaxweyaha xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA, Sepp Blatter ayaa iska casilay hoggaaminta xiriirka, kaddib markii toddobaadkii aynu soo dhaafay loo doortay madaxweynenimada xirirka FIFA markiisii Shanaad, isagoo helay 133 cod, halka murashaxii la tartamayay Ali Bin Al-Hussein uu isna helay 73 cod oo kelliya.
Isniin, Juun 01, 2015 (HOL) โ Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa kulan muddo kooban socday xalay ku qaatay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.