More Articles
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)-Golaha Aqalka sare ayaa ka dalbaday madaxweynaha dowladda Soomaaliya in muddo saddex cisho uu jawaab uga bixiyo khilaafka kala dhaxeeya dowlad gobolleedyada oo bishii September ee sanadkan Kismaayo uga dhawaaqay in xiriirka u jareen dowladda dhexe.
Warkii oo dhan
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Maxkamada gacanta ku heysa kiiska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu wargaliyay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsiggii lagu hayay.
Khamiis, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda ayaa sheegay in Golaha Xukuumadda looga baahanyahay in ay la fal galaan shacabka, si ay u helaan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shaqo joojin ku sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukumadda Soomaaliya Maxโed Khaliif Diiriye, kaddib warqad ka soo baxday xafiiskiisa.
Talaado, October, 16, 2018 (HOL)-Militariga Mareykanka ayaa Talaadadii maanta ku dhawaaqay weerarkii ugu weynaa ku dhawaad sanad oo ay duqeyn ku dilaan 60 dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Isniin, October, 15, 2018 (HOL) - Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay ka dhagax-dhigtay mashaariic waa weyn meel ka baxsadan caasimadda Muqdisho, tan iyo markii uu soo if-baxay khilaafka dowlad-gobolleedyada iyo dowladda dhexe.