Ayada oo lagu jiray fasax dalkan Canada looga yaqaano "Thanksgiving" ayaa waxaa maalintii Axadda taariikhduna ahayd 12 Octoobar, 2008 ayaa waxaa cayaar saaxibtinimo ee kubadda cagta ah ku wada ciyaaray koox ka socota cayaartooydii cuslaatay ee Soomaaliya (Serie A) ee magaalada Toronto iyo sidoo kale cayaartooydii cuslaatay ee magaaladan Ottawa.
Cayaartooydan cuslaatay ayaa waxaa ka mid ahaa cayaartooydii caanka ku ahaa kubadda cagta Soomaaliyeed waqtigii todobaataneeyadii (1970's) iyo Sedeetameeyadii (1980's) sida cayaar yahanka Axmed Cabdikariin (Cantar Jeenyo), Jaahuur, Maxamed Xaaji (Uureey), Mukhtar Maxamed (Mukhtaar Cuti), Awees Waxool, Nuur Cumar (Iitoob), Maxamed Mursal (Oday), Cabdikariim (Codka), Cabdisamad Sheikh Qassim iyo Xasan Xaaji (Cowle). Waxaa cayaartooydaas la socday Maxamed Faarax (Dabdamis) oo ahaa garsoore aad looga yaaqaanay dalka Soomaaliya

Waxaa runtii la yaab leh, ayada oo ay muddu dheer ka soo wareegtay waqtigii ay ka ciyaari jireen dalka Soomaaliya, haddan sida ay wali cayaartooda u wanaagsantahay oo mar-mar qaar aad isleedahay hadda ayeeyba cayaartooda ugu wanaagsan tahay. Cayaartaas saaxibtinimo ayaa waxay ku soo gabagabowday 2 gool oo ay ku badiyeen kooxdii ka socotay magaalada Toronto.
Cayaartaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Abuckar Mohamed (Abuckar Shiino) oo ah Xiddigii cayaarata kubadda kolayga ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale qayb weyn ka qaatay agaasimaha hay'adda "Somali Community for Family Services" Mr. Cabdirizaq Karood oo si wanaagsan ugu soo dhaweeyey cayaartooyda martida ku ahaa magaaladan Ottawa.
Cayaarta ka dib, ayaa Abuukar Shiino wuxuu casho ugu sameeyey gurigiisa, halkaas oo si weyn loogu sheekeystay. Sheekada badankeeda ayaa wuxuu ku saabsanaa taarikhda kubadda cagta ee Soomaaliya iyo waxyaabihii ay kala kulmeen intii ay ka ciyaarayeen cayaarta heerka sare (Serie A) gaar ahaan kulamadii ay la yeelan jireen wadamada dibadda.
Waxaa halkaas si wanaagsan dadkii halkaas ugu wada qoslisiiyey cayaaryahanka Cantar Jeenyo oo halkaas ka sheegay sheekooyin runtii aad loogu wada qoslay kuna saabsanaa wixii uu ka soo maray intii uu ku jiray ciyaaraha iyo waxyaabaha maanta jooga.
Cashada ka dib, ayaa waxaa lagu ballamay in cayaaraha noocaan oo kale markasta la qabto si loo sii wanaajiyo xiriirka cayaartooyda cuslaatay dhidibadana loogu aaso cayaartooyda cusub ee soo kaceysa. Mar ay Hiiraan Online wax ka weydiisay cayaartooyda Toronto khilaafka mudada dheer ku dhex jiray oo keenay in ay laba meel ku kala qabtaan cayaarahay xagaaga (Somali Week) ayeey waxay noo xaqiijiyeen in arrintaas aysan mar kale dhicidoonin go'aan arrintaas ku saabsan dhawaan magaalada Toronto laga soo saaridoono.
