Maalinta
Jaceylka Adduunka oo maanta Muqdisho laga
xusay
Isniin, February 14, 2005 (HOL) @16:00GMT:
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay,
isla markaana lagu maamuusayay maalinta Jaceylka
Adduunka oo ku beegan 14-ka Febraayo ee sanad
kasta ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dhalinyarada
KANAVA ee magaalada Muqdisho.
Xafladdan oo ay ka soo qeybgaleen dhalinyaro
aad u fara badan ayaa lagu soo bandhigay qiimaha
uu jaceylka ku fadhiyo, iyadoo la sheegay
in aysan noloshu dhadhan lahayn jaceyl la'aantiis,
sidaas darteedna lamaanayaasha is-qaba iyo
kuwa is-xod xodanaya ee doonaya in ay is-guursadaan
loogu baaqay in aysan qiimo tirin jaceylka
oo ay dhowraan.
Dhanka kalena waxaa xafladda loo sameeyay
maalinta Jaceylka Adduunka (Valentin's Day)
ee ka dhacday magaalada Muqdisho lagu soo
beegay isla markaana lagu weyneeyay sanadguuradii
koowaad ee ka soo wareegatay markii la aas
aasay Urur u dooda Xuquuqda Jaceylka, kaasi
oo uu Guddoomiye u yahay C/raxmaan Maxamed
Xasan Xudeyfi oo ka tirsan Wariyayaasha Idaacadda
Banaadir ee magaalada Muqdisho, wuxuuna Mr.
C/raxmaan oo ka hadal kooban ka jeediyay xafladdaas
uu ugu baaqay in la xaq dhowro Jaceylka oo
markaasina aanan laga been abuuran, iyadoo
ujeedku yahay in dano kale lagu gaaro.
Sidoo kalena, Guddoomiyaha Ururka Garoobada
oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Marwo
Xaliimo Cali Cente oo lagu casuumay xafladdan
ayaa iyadana ku boorisay Lamaanayaasha is-qaba
iyo kuwa aanan weli is-guursan in ay ka taxadaraan
nolosha quruxda badan ee Lamaanaha, si bey
tiri ay uga badbaadaan in ay dib ugu noqdaan
nolol kali jiif ah iyagoo mid Lamaane ah mar
u gudbay oo dhadhamiyay.
Haddaba, iyadoo ay maanta ku beegan tahay
maalinta Jaceylka Adduunka, Bisha Febraayo-na
ay tahay 14 ayaa waxaa qasri ku yaala waqooyiga
magaalada Paris ee dalka France waxaa ka dhacday
xaflad ay ka soo qeybgaleen marti sharaf gaareysa
250 ruux, kuwaasoo ka soo xaadiray maamuus
ay jaceylkooda u sameeyeen lamaanayaasha kala
ah Weeraryahanka kooxda Real Madrid ninka
lagu magacaabo Ronaldo iyo gabadha ay isu
cindanaayeen ee Daniella Cicarelli oo iyada
qudheeda la sheegay in ay isku tahay Wariyad
iyo Dhar Xayeesiiso (Model).
Dad qaarkiis ayaa waxay maalintan ku xusaan
in ay ubaxyo iyo haddiyado kale isa siiyaan
balse Ronaldo iyo gacalisadiisa Daniella waxay
sameeyeen wax ka duwan, waxaa laga yaabaa
in aad is-weydiiso waxaas waxa ay ahaayeen,
wax kale ma ahayn kaliya waxay isku dhunkadeen
250 ruux oo marti u ahaa hortooda, iyadoo
dadkaasina ay ku jireen asxaabtiisa kala ah
Zinedine Zidane, Raul, David Beckham iyo Michael
Schumacher oo ah Xiddig todobo jeer oo isku
xigta ku guuleystay kaxeynta gaadiidka xawaaraha
dheereeya lagu wado.
Ronaldo oo 28 jir ah iyo gacalisadiisa Daniella
oo 23 jir ayaa ku dhawaaqay in ay is-guursanayaan
dhamaadka sanadkan, iyadoo Ronaldo aysan u
ahayn markii ugu horeysay oo uu guursado,
waxayna horay u kala tageen gabar lagu magacaabo
Milene Domingues, taasoo aan furiinkeeda sanad
laga joogin, waxaana lagu waramay in Ronaldo
uu sharciga u yaala dalka Spain oo uu ka ciyaaro
u diiday in uu sanad gudahiisa labo guur sameeyo,
taasina ay keentay in uu xafladdan ku dhigto
dalka France.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
|