By Xasan Mudane
Friday, October, 1,2021
Keligi’taliyaal Carab iyo Afrikaan ah
Marka hore qofka
keligi-taliyaha ah wuxuu geed gaaban iyo mid dheer u korayaa sidii uu
kursiga ku heli lahaa ka dib maxaa xiga? Wuxuu qoorta u dheereynayaa cid
kasta oo mucaarad ku ah, isaga oo ku tilmaamayaa in ay yihiin
qaran-dumis (enemies of the people). Markuu hawada ku cuno kuwa halista
ku ah, wuxuu ka shaqeyn doonaa sidii uu ku noqon lahaa aabbihii qaranka
(father of the nation), isaga oo fannaaniinta iyo bulshada qaybaheeda
kala duwan ka dhaadhicin doona in loo heeso, sawiradiisa lagu dhajiyo
waddo kasta, xafiis ilaa guri si qofka uusan shaki uga galin cidda
madaxda ka ah dalka.
Markii uu dadka
is baro ka dib, wuxuu keligi-taliyuhu bilaabayaa cagajugleyn, karbaash
iyo wax maquunin ilaa bulshada uu gaarsiiyo heer gabadh iyo hooyadeed ay
kala shakiyaan. Waxaa shaqadaas u qaban doona wasaaradda arrimaha
gudaha, hay’adda sirdoonka iyo shakhsiyaad uu ka dhex sameystay bulshada
dhexdeeda. Intaas markii uu sameeyo ka dib, geesaha inta uu iska
fiiriyo ayuu kursiga si fiican ugu sii fadhiisanayaa ilaa uu ka gaaro
heer uu isla weynaado (As good as the gods). Markaas ayuu bilaabayaa igu
sawirtiisa Tvga qaranka iyo guulwadeyntii ahayd waa madaxweynaha
qaranka; aabbaha ummadda oo booqanaya beerta xayawaanka iwm.
Keligi-taliyuhu marka uu marxaladdan soo gaaro, waxaa ku soo dhicaysa
fikrad ah in uu albaabada u laabo warbaahinta xorta, ee madaxbannaan
(control the media).
Wuxuu
keligi-taliyuhu u sii gudbi doonaa marxalad la dhaho the family that
slays together, stays together. Waa marka uu rumaysan doono sheekada
khiyaaliga, ee ah in isaga iyo qoyskiisa ay dalka leeyihiin. Sidaas
darteed, iyaga mooye cid kale aysan kursiga kula tartami karin. Si kale u
dhig, waa marka keligi-taliyuhu ay ku dhalanayso fikradda ah wiilkaaga
curadka ah ka dhis, kursiga ha kaa dhaxlo.
ASTAAMAHA LAGU YAQAANO KELIGI’TALIYAHA
“Xaajadu markay gobo’da iyo gawda culus joogto
Kaligii nin gaashaantay wuu gola ka fuulaaye.”
-Abwaan Hadraawi
Qofka
keligi’taliyaha ah waxaa lagu yaqaanaa in uu xargaha goosto marka uu
kursi iyo awood helo; waxaa lagu yaqaanaa in uu miiska soo saaro go’aano
khaldan marka lagu jiro xaalad adag; waxaa dabeecad iyo astaan u ah in
uu isku hareereeyo ama lataliyaal ka dhigto dad isaga u guulwadeeya.
Dadkaas in ay runta u sheegaan iska dhaafe waa kuwa aan MAYA ku dhihi
karin, waxaana ku khasbeysa hungurixumi heysa iyo cabsi awgeed (fear and
politics of the belly).
WQ: Xasan Mudane
Bare Jaamacadeed