fiogf49gjkf0d
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Tuesday, September 16, 2008
Maansada Danmooge waxay soo baxday 05/09/2008 oo ku aaddan 5tii bisha Ramadaan, sanadka 1429 ee Hijriyada. Maansadu waa digniin iyo waano ku socota, kooxo iyo shaqsiyaad howl ka dhigtay in ay si xishood darri ah xilalal iyo xoolo uga dhexbaarbaaraan, xinjiraha shacbiga ay cadowyadu isku soo xulufeysteen, xasuuqa ba’anna lagu hayo.
Kooxahani, waxay sheeganayaan oo ay isku ekeysiinayaan: Siyaasiyiin, aqoonyahanno ilbax ah, ganacsato, gargaarayaal, warbaahiyeyaal, culimo-diineed, hoggaan-dhaqameed iwm. Waxay ku doodayaan in ay u danleeyihiin badbaadada umaddaan musiibadu ku habsatay. Laakiin, dhab ahaan kooxahaan damac-xumidu waashay, arrinkoodu waa mid sidaas wax badan oo badan ka duwan. Waa kuwo aan laheyn qalbi damqada iyo damiir xishooda. Diintii, dadkii iyo dalkiina waxay siisteen dufan yar oo lagu dulleystay.
Waxaan Alle weyne ka baryaynaa inuu nagu garabgalo halganka aan ugu jirno difaaca diinteenna iyo jiritaankeenna, nagana guuleeyo cadowyada shisheeye ee isku soo ciidamiyay iyo calooshooda-u-shaqeysteyaasha sokeeye ee lagu adeegto . Waxaanan Rabbi weydiisaneynaa inuu nagu hanuuniyo dariiqa aan adduun iyo aakhiraba ku badbaadi karno.
Maansada Danmooge waxay ku bilaabaneysaa:
Danmooge
Danmooge Danmooge
Dannaa wax halleeyee
Dardaarwerinteyda
Dalqamid iyo sheeko
Dacaayad ha moodin
Inaan duro ruuxna
Digasho uma jeedo
How qaadan dabuubtu
Qiimaad ka dudeyso
Iney dahab joogto
Dersigu lacag maahee
Dulucda hadalkeyga
Daqiiqad dhageyso
Dulqaadna u yeelo.
Danmooge Danmooge
Daneyste addoonkii
Duqowshaha baahan
Dhallaan dubanaaye
Hooyooyin la dooxay
Duruucda ka siibte
Dabbaabad cabbeysan
Diyaarado miiga
Danabka ololaaya
Nacab aan dubnaxeynin
Markuu ku duqeeyuu
Ehelkii dabargooyo
Siduu darajoobay
Qabuuro degmoobay
Dabbaaldeg korkooda
Dunuub uga tookhe
Damiirxumihiiyow
Inaad tahay daallin
Naftiis u darraadoo
Dakane aan hareynin
Deyn ay kula taallo
Ku daabaco buugga.
Danmooge danmooge
Dambiilo walwaale
Umadda darxumootoo
Colaad dabadheer ah
Diihaal iyo gaajo
Daacuunka fidaaya
Diiftoodu ku raagtay
Bukaanka daboolan
Dariiqyada meydka
Hareeraha daadsan
Asoon damqaneynin
Sidii qof dalxiis ah
Intuu filim duubto
Ku raadsade doollar
Deeqdii la yaboohee
Darteed lagu keenay
Iney danyar gaarto
Haddaad ka duweysood
Qasriyaad ku dakeyso
Daar weyn ka sameysoo
Ku diirso is leeday
Habaarku ma daahee
Nabsiga degdegaaya
Inuu dubbihiisu
Dhawaan ku dakhraayo
Ku daabaco buugga.
Danmooge Danmooge
Xaaraanta ku diilme
Daqiiqda hallowday
Cuntooyin dikhoobay
Dawooyin la tuuray
Alaab wada duug ah
Daas geerida iibshoo
Dukaan magacii leh
Ku soo daldalaaye
Duunyadii la dhaqaayay
Duurjoogtadi howdka
Doollina ma hambeeyoo
Doonyaha ku cabbeeye
Daaqii iyo cowska
Dhirtii dambaseeye
Daruuriga quudka
Dalagga bi’inaaye
Daroogana beeroo
Dhulkii sun ku duuge
Damalku harsanaayay
Abooryahow diirtay
Haddaad doqonkiiyow
Maatida dacdarreysan
Qasnado dif ka siisoo
Ku doogso is leeday
Inaad dab tacbeyso
Dambaaburo naara
Oo aad holac daacsan
Ku daabaco buugga.
Danmooge Danmooge
Diraaledireynta
Digada hurinteeda
Durbaanka colaadda
Dig siinti ku noole
Walaal diriraaya
Dhiiggooda dullaaloo
Duullaan u riyaaqe
Duruusta naceybka
Intii damman jaahil
Dabaadi u meershe
Duumoo idil faafshe
Dabeylo wax qaada
Duufaanta Sumaani
Haddaad dalbaneysood
Dabaashood jeclaatay
Duqsaad la itaal tee
Markuu hir dillaami
Doxorow ku dharbaaxo
Inaad dilif leedood
Sidii dogob geed ah
Fitnada ku dhex daadi
Ku daabaco buugga.
Danmooge Danmooge
Diktoornimo sheegte
Mid deel aan aqoonnin
Damiinkuna dhaame
Inuu wax dabiiboo
Dhibaatada dayro
Daryeel ma haweyste
Daashkuu ku barbaaray
Waayeelka daciifee
Duruuftu ku haysoo
Dhankiisa dayaaya
Wuxuu taro daaye
Dedkii aqalkiisa
Derinta uu ku jiifoo
Darfaha ka dhamaatay
Daasadda mirirkaa iyo
Go’iisa dafaaye
Degaanno shisheeye
Markaad laba deyrood
Doolaalo ku raagto
Dameerta sideedii
Darmaanno la daaqdoo
Dirkeedi ka faantay
Haddaad kuba dooddo
Inaad tahay doorsan
Diirkaada saluugto
Diintaada dhaliisho
Adeys deldelaayee
Da’aadda gabowga
Kolkaad doqoshowdoo
Adoo dalanbaabyi
Darbiyo cuskaneyso
Markuu dibjir qooqan
Intuu ku darbeeyoo
Yiraa kugu daalnee
Hadmaad dib u laaban?
Dawanka dhawaqiisa
Dayaca wehel kuu ah
Dayowgiyo ciilka
Dugsiimo la’aanta
Dareenka xusuusta
Ilmaad dibiq siiso
Ku daafici meysee
Dabbaalnimadaadu
Iney ku dileysood
Dugaag isku loogtay
ku daabaco buugga.
Danmooge Danmooge
Dushaa sare Muumin
Duceysan jilaaye
Direys culumoodle
Hoostana dibindaabyo
Duul kale u adeegga
Jihaad docwareenka
Dariishad banneyta
Siraha dusintooda
Guureynta ma daaye
Markuu digsi soora
Diinnaarro u jeedo
Dhareerku ka daate
Dorraatiyo dhaartii
Dastuurka ma dhowre
Dibnaha dhaqdhaqaaqa
Inaad digrineysood
Quraanka dareerin
Xadiisyo daliishan
Kii daacad u haysta
Haddaad ku dabeysood
Shacbiga ku dageyso
Inuu Daa’in weyne
Ku daalacanaayo
Malaa’ig diyaar ah
Iney dambigaada
Diiwaanno ku keydin
Ku daabaco buugga.
Danmooge Danmooge
Haddaan damacaadu
Qalbiga daxaleynin
Dhagaha lagu daarin
Aragga dam la siinnood
Dardaaran maqleyso
Adoon waxba doobbin
Bilaash digdigleynin
Damoo bal su’aashan
Jawaabna u doone
Daaquudyadii jaanee
Duqyaanka xaddhaafay
Markuu duminaayay
Dunida iney uumeen
Darkood Rabbi sheegtay
Xaggee u dambeysay?
Danmooge Danmooge
Qofkii dufan raacoo
Xishood dabra waayaa
Doofaar wax ma dhaamee
Kuwii la dulleystee
Dalkoodii khiyaamee
Gumeysi dagaaga
Uu daabbad ka yeeshay
Duudkana ka raraayoo
Si loo dallacsiiyo
Da’dii ay dhaleeniyo
Xitaa dumarkoodii
Diyaafad u dhiibay
Dayuusyadii waashoo
Dacayga lagu jiidaa
Ka dhaawacay daanka
Xaggee u dambeysay?
Danmooge Danmooge
Dowdaryow la kireystoo
Dalqadu ambineyso
Ilaahey daraaddii
Waan kuu digayaaye
Adoon damdamleynin
amaan dibguryaynin
Intaan dadab iilka
Duuduub lagu seexin
Kuwii ku dufeeyiyo
Shaydaanka wax duufsha
Daraandarintoodu
Waa dhaan Dabagaallee
Ibleysyada dayri
Dheh diiday shirqoolka
Dirqinta ha ka yeelin
Samaanna ka dooroo
Dad waa khaldamaaye
Dowgaad ku habowday
Intaad dib u eegto
Dalboo cafis raadso
Khalqiga inta duusha
Diinkiyo mid gurguurta
Allaha dabbaraayee
Darkii raxmaddiisa
Nooluhu ka durduurtoo
Degaan omosoobay
Daruur barakeysan
Xareed ka da’eysa
Durdurro ku waraabshoo
Durbaba ubax yaabloo
Daa'uusku dhexjiifo
Ka soo bixin doogga
Docdiisa u jeeso
Daahiri nafsaddaada
Dadaalna la kaalay.
-----------------------------
Maxamed C. Cibaar
E-mail: [email protected]