4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Cagajiidka Golaha Ammaanku Waa ay sii Cakireysaa Carqaladda Soomaaliya
fiogf49gjkf0d

E R A G T A D A
HIIRAAN ONLINE
Talaado, Sebtembar 09, 2008

 


Heshiis taariikh gal ah oo ay soo qabanqaabiyeen Qaramada Midoobey  ayay bishii June 9keedii magaalada Jabuuti ku wada gaaraan Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib-u-Xoreynta Soomaalia. Waxaa  saxiixa heshiiskaas goobjoog ka ahaa beesha caalamka oo ay ka mid ahaayeen dowladaha Faransiiska, Ingiriiska iyo Mareykanka oo door weyn ka qaatay sidii garabyada Soomaalidu ay khilaafkooda wada hadal ugu dhammayn lahaayeen.
 
Heshiisiinta labada dhinac ee dowladda iyo Isbaheysiga ayaan ahayn mid sahlan marka la fiiriyo dagaaladii dhex maray oo dad badani ku hoobteen. Is-afgaradkii Jabuuti ka dhacayna waxa uu sababay in ay Isbahaysigii kala jabaan, Dowladdana waxay ku sigatay in ay heshiiskaas ku kala qaybsamaan. Dhib kastaba ha laga soo maree, labada dhinacba waxay ku dadaaleen in heshiiskii lagu gaaray Jabuuti uu hirgalo. Heshiiskaas oo  qeexayey in dowladda Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya muddo 120 casho ah, in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaalin ah oo ka soocda Qaramada Midoobay, in colaadda labada dhinacna ay joogsato heshiis siyaasadeedna laga gaaro si loo gargaaro dadka ku dhibaateysan Soomaaliya.
 
Waxay sidoo kale labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay dhisaan guddiyo isku dhaf ah oo u kala qaybsan Guddi Sare iyo Guddi Nabadgalyo. Guddiyaashaas ayaa hadda shaqadoodu ay si wanaagsan u socotaa, taasina waxa ay daliil weyn u tahay in labada dhinacba ay daacad ka yihiin in ay soo af jaraan dhibaatada ka taagan Soomaaliya
 
Dhinaca kale, taabagal-nimada heshiiska Jabuuti waxa uu ku xiran yahay keenista ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Qaramada Midoobey kuwaas oo beddela ciidamada Itoobiya. Keensita ciidamo nabad ilaalin ayaa ah arrin ka go’da  Golaha Ammaanka oo kaliya maadaama Soomaaliya ay saran tahay cunaqabatayn xagga hubka ah. Iyada oo weliba aan Golaha Ammaankana looga maarmin abaabulka iyo u ololeynta sidii beesha caalamka looga dhaadhicin lahaa arrimaha lagama maarmaanka u ah  ciidammo nabadda suga sida dhaqaale,  khuburo iyo dhiiranaan caalami ah – maaddaama horray Soomaaliya loogu fashilmay, xiisana aan loo hayn in lagu laabto.
 
Haddii la eego qaabka heshiiskii Jabuuti uu u qora yahay, muddadii dowladda Itoobiya ay ka bixidoonto dalka Soomaaliya waxay bilaabatay 9kii bishii Juune waxa ayna ahayd in ay dhammaato 9ka bisha Octoobar (120 casho). Beesha Caalamka oo ay horkacayaan Golaha Ammaanka ayaa ku wargaliyey xubnaha ku heshiiyey Jabuuti in heshiiskoodo uu dhantaalan yahay – uuna dhaqan gali karo (ama Golaha Ammaanku ay u arki karaa hashiis rasmi ah) marka ay DKMG ah iyo Is-Bahaysigu ay si wadajir ah u wada saxiixaan heshiiskaas. Bishii Agoosto 18keedii ayey Dowladda iyo Isbahaysiga dib u saxiixeen heshiiskaas. 
 
Hooyo iyo wiilkeeda oo jooga Beled Weyne: Dhibaatada macluusha ee ka taagan Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in ay tahay mid ugu daran ee maanta ka jirta adduunka
Ayada oo arrimahaasi ay jiraan, ayaa dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kooxaha la dagaalamaya uu sii xoogeysanayaa, dad baddanna ay maalin waliba ku dhimmaanayaan. Dibaatada haysta shacabka Soomaaliyeed ayaa maalinba maalinta ka dambeya ka sii dareysa. Sida ay warbixin ku soo saartay Hay’adda Cuntada Adduunka ee FAO, “Lixdii ilmood oo ay da’dooda ka yartay shan sano, mid ayaa macluul aad u daran la il daran cunto la’aan dardeed, dhibaatadana weey sii kordheysaa”
 
Dhibaataas aan kor ku soo sheegnay ayaa waxa ay qasbaysaa in Golaha Ammaanka ay soo dadajiyaan keenista ciidamo nabadda ilaaliya. Laakin nasiibdarro, meesha hawl-gal iyo gurmad looga fadhiyey, Golaha Ammaanka ayaa mar kale waxa ay ka codsadeen Xoghayaha Qaramada Midoobay in uu qorshe cusub muddo laba bilood ah ku soo diyaariyo. Taas u muuqata in Golaha Ammaanka ay ka cagajiidayaan xal u helidda dhibaatada Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada Soomaaliya u baahan tahay.
 
Xubnaha Golaha Ammaanka oo booqday dalka Jabuuti horaantii sannadkan ayaa waxay Soomaalida ku tir-tirsiiyeen in ay heshiis gaaraan. Wuxuuna Goluhu casuumay guddi isku dhafan oo ka socda Dowladda iyo Isbahaysiga si Golaha Ammaanka ay warbixin u siiyaan. Guddigaas isku dhafan ayaa si gooni gooni ah iyo iyaga oo wada jiraba ka codsaday Golaha Ammaanka in lala soo deg-dego ciidamo nabad ilaalineed.
 
Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa codsatay in la keeno ciiddamo beddala cidamadeeda. Midowga Afrika ayaa dhowr jeer ku celceliyey in howsha Soomaaliya lagala wareego. Isku soo wada duub, Golaha Ammaanka aad ayuu uga dharagsan yahay baahida loo qabo in ciidamo nabad ilaalineed loo diro dalka Soomaaliya, ciidamadaas oo dhab ahaantii ah udub dhexaadka heshiiska Jabuuti - haddii aan ciiddammo la hellinna markaa ay caddahay in heshiiska intiisa kale aanu hirgeli karin. 
 
Muddo 18 sano ah, Golaha Ammaanka waxaa waxaa ka soobaxayey qaraarro, war-murtiyeedyo iyo weero aan wax ka badelin dhibkii Soomaaliya ka aloosnaa. Caga-jiidka Golaha Ammaanka waqtigan ka soo cusboonaaday waxaa laga akhrisan karaa iin Golaha Ammaanku ku fashilmi karo uuna fashil karo Heshiiska jabuuti – kaas oo nuxurkiisu uu yahay in Soomaaliya la keeno ciidan badella ciidamada Itoobiya. Taasina haddii ay dhacdo, waxaa caddaanaysa in Golaha Ammaanku uu demiyey rajo nabadeed oo heshiiskii Jabuuti uu Soomaalida ku soo kordhiyey. 
 
17-kii Juun ayuu Axmed Walad Cabdalla, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ugu baaqay bulshada caalamka in la garab galo heshiiska bilowga ah ee Soomaalidu Jabuuti ay ku gaartay. Waxa oo war-saxaafadeed ku yiri, “Maanta waxa meeska saran ma aha nabadda Soomaaliya oo kaliya, waxaa miiska saran magaca iyo sumcadda bulshada caalamka”
 
Waannu waafaqsan nahay tilmaantaas Ergeyga Gaar ah haddii aan nahay Hiiraan Online.
 
Dhinaca kale dhinacyada Soomaalidu waa in ay laban laabaan dadaalkooda ay ku caddaynayaan in ay daacad ka yihiin nabadda kana soo baxayaan kaalinta uga aaddan hir-gellidda heshiiska jabuuti – gaar ahaan sidii ciidammo nabadda ilaaliya loo kasban lahaa. 
 
Aragtidaa ku soo dir: [email protected]



 





Click here