4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Tanaasulka Somaliland oo ku dayasho mudan
fiogf49gjkf0d

Qore: A. Gurato
Monday, October 20, 2008

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, 18 sanno ka hor, Soomaaliya waxaa ka jiray dhibaatooyin baahsan oo wali sii fidaya. Si kataba ha ahatee, waxaan shaki ku jirrin in Soomaaliya ay kala duwan tahay, marka laga hadlayo dhinacyada nabadda, maamulka, dib u heshiisiinta iyo ku dhaqanka sharuucda dowliga ah!

Soomaaliland waxaa ka jira tanasul aan ka jirin Soomaaliya inteeda kale, kaas oo ay sameeyeen dhammaan noocyada bulshadu ka koobantahay tahay sida siyaasiyiinta, odeyaal-dhaqammeedka, culumada, aqoonyahannada, iyo beellaha wada dega gobollada Wuqooyi, oo hadda loogu yeero ”Somaliland”.

Isu-tanasulka Soomaaliland ka jira wuxuu sabab u noqday in ay halkaas ka jiraan: maamul ay dadku soo doorteen, oo inta badan ku shaqeeya shuruucda (tastuurka) u degen. Waxaa kaloo halkaas ka jira gole baarlamaan, gole xukummadeed, gole guurti, saddex (3) Xisbi-Qaran iyo gar-soor madax-bannaan.

Tan iyo markii lugu dhawaaqday gooni-isu-taagga Somaliland, waxaa ka dhacday hal (1) shir-beelleed (Burco, 1991), hal (1) shir-siyaasadeed oo ka dhacay Boorame sannadkii 1993.Waxaa kaloo ka dhacay dhacay afar (4) doorasho madexweyne, laba (1) doorasho oo dowladaha hoose ah iyo hal doorasho baarlamaan.
Doorashooyin MadexwEynaha waxaa ugu danbeeyay tii Daahir Riyaale Kaahin, oo ka mid ahaa saraakiishii ay kacantooda ku dhacday dowladdii Soomaaliyeed.

Soomaaliland waxaa ka jira nabad aan ka jirin soomaaliya inteeda kale. Waxaa kaloo aan ka jirin Somaliland dhibaatooyinka ay ka midka yihiin: burcad-baddeed, sunta badda lugu shubo iyo kalluumaysiga sharci-darrada ah ee lugu sameeyo badaha Soomaaliya. Waxaan iyana aan Somaliland lugu sheegin dadka badaha lugu shubo (tahriibta),dhoofinta xoolaha dhadig, ugaarta iyo dhirta la shido ee dhuxul ahaanta loo dhoofsho.!!

Shacabka Somaliland iyaga ayaa iskood hubka isaka dhigay kuna badeshay“rule of law”(nidaam iyo kala-danbayn) iyagoo aan cidna gacan wadiisan. Intaas kaliya ma’ahane, shirarkii dib- u- heshiinta, sharuucda ay dhigteen iyo xallinta khilaafaadkii dhexdooda ahaa iyagoo aan shisheeye iyo sokeeye midna ugu yeeran ayeey dhamaysteen! Somaliland, waxay xiriir wanaagsan la leedahay Soomaaliya inteeda kale marka laga reebo murranka kala dhexeeya Puntland; Waxay sidaas oo kale xiriir iyo iskaashi ya la leedahay wadammada dariska ah,iyo adduun-weynaha.

Somaliland waxay ka asaasantay Ururkii SNM oo ka mid ahaa Ururadii hubaysnaa ee la soo dagaalamay dowladdii Soomaaliyeed, wuxuuna gooni-isu-taagga ku dhawaaqay sannadkii 1991. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la oran karaa Somaliland way ku guuleysatay ujeeddooyinkeedii marka laga reebo midkii ugu mihiimsanaa oo ah aqoonsi Caalami ah oo ay ka hesho adduun-weynaha. Marka laga reebo Aqoonsiga, arrimaha kale waxay Somaliland u horseedeen in waxgaradka Soomaliyeed iyo bulshada Caalamkuma ay ku taageeraan sidii Somaliland ay u sii horumari lahayd.

Haddaba, ma loo baahanyahay in Soomaalida Koonfurtu ku dayato Soomaaliland?  Haddii jawaabtu tahay haa, maxaa muddan in looga daydo? Maxaanse mudnayn in looga daydo?

Afeef. Ujeedada Qoruhu ma’ahan in uu wax dhimaal u gaysto ama buun-buuniyo Somaliland, laakiin waxay tahay in wixii jira la sheego Soomaaliduna wanaagga isaka dayato wixii xunna la isaga nasteexeeyo (waaniyo). Sidaas daraateed, ayuu u soo qaatay qoruhu wixii uu islahaa waa wax jira oo ku dayasho muddan.


A. Gurato
E-mail: [email protected]



 





Click here