4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Dagaalka Eritrea, Djibouti iyo Saamaynta Isbadalka Istraatiijiyad-dhuleedka Geeska Afrika
fiogf49gjkf0d

Taxanaha Weedhaha Diplomasiyada ee Geeska Afrika

Qore: Nur Kafi
Thursday, June 12, 2008

A disputed isle on the border of Djibouti and Eritrea. A recent skirmish (6/11/08) took at least six soldiers' lives and injured 50 others.
Habdhaqanka Ciidan-diplomasiyadeed ee Eritrea, maaha mid kucusb dadka udhuundaloola dabeecada iyo damaca dhuleedka hogganka sare ee dawlada Eritrea oo kasoojeeda Jabhadii Shacbiga Xoreynta Eritrea ee la'odhanjiray EPLF, oo gaadhsiisay xoriyada maanta Eritrea, kadib markii ay ka'adkaadeen ELF sanadihii 1979 ilaa 1980, guddaha Eritrea. Jabhada ELF oo utaagan, Eritrean Liberation Front, waxaa lagu tilmaamijiray Jabhada Argagixisada Carbeed ee bada cas, sanadihii 1960kii iyo 70kii, taas oo Reergalbeedka kudhalisay in lahello hoggan badala istiraatiijiyada ELF ee bada cas iyo Jabhad cusub oo kalafogaysa Xidhiidhaka dalalka carabta iyo Eritrea hadii ay xorowdo. Halka aan hoosba loo'eegi jirin Jabhada TPLF (Tigray) ee imika hogganka u ah, xisbiga talada dalka Ethiopia haya ee EPRDF; waxaana sabab u ahayd "Dastuurka TPLF ee aayaha Tigrai oo aan cadayn".

Hadaba qaabka ay ku'aasaasmeen EPLF iyo Hoggankii sare ee "Xafiiska Siyaasada ee EPLF", waxaa marwalba kamuuqanjiray islawayni iyo inay madax kataagaan dhamaan jabhadihii xoriyaddoonka ahaa ee ladagaalamayay Boqor Xayle Sillase iyo kaligiitaliyihii dhiigyacabka ahaa ee Col.Mengistu Hiale Mariam oo xiitaa Jeelka dhigay dhigihiisii loo aasaasayay inuu xukumo Soomaaliya 1980'kii waa Col.Abdullahi Yusufe.
 
Hadaba socdaalkii Wasiirka arrimaha dibada Eritrea iyo dhanbaalkii ay wadeen, Xubin katirsan Hogganka Xafiiska Siyaasada ee EPLF wakhtigaas, waa Mohamed Siciid Bare (oo dhintay bishii hore), ayaa argagax kunoqday dalka Djibouti sanadkii 1996; wakhtigaas oo Eritrea sheegatay dhulka galbeed ee udhaxeeyay labad wadan. Dalka Djibouti kuma aanay koobnaanine, Eritrea waxaa ay weerartay Jazaa'irka halbowlaha u'ah marinka saliida ee Bada Cas oo ay leedahay Yemen, kuna taala Albaabka Baabalmandab; taasi oo qabshadeeda kadanbaysay in ay saldhig unoqoto Ciidanka bada Israel , si ay ulasocoto dhamaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta bada cas iyo Isgaadhsiinta dalalka carabta. Ahmiyadii Israel iyo USA ee gasaa'irka Hanish, waxaa hoos udhigay, dawlada Djibouti oo saldhig Militari siisay ciidanka Maraykanka.

Dagaal iyo diplomasiyadii Yemen kadib ayaa Go'aankii Maxkamada Caalamiga ee HAIG waxaa lagu sheegay in dhulka Jazaa'irka Hanish ay leedahay "Yemen". hadaba maxaa keenay in maanta ay Eritrea soojadiidiso sheegashada dhulka Cafarta (Afar) Djibouti ee kuyaala galbeedka dhul-xadeedka Djibouti.

Waxaa sabab u ah, khilaaf xadeedkan cususb, dhowr arrimood:

1) Khilaafka Xukuumada Fransiska iyo Ismail Omar ee Dacwada Fransiska ee dilkii qaryaqaanka fransiska.
 
2) Dawlada iyo Shacbiga Djibouti oo ujanjeedhsaday dhinaca Maraykanka, oo Faransisku rabo inuu dareensiiyo dawlada Djibouti, in joogida ciidamada maraykanku yahay kumeelgaadh, islamarkaana aanu Maraykanku waxba kaqabankarin, hadii Djibouti amnigeeda khalkhalgalo, Ciidanka iyo siyaasada Fransiiska la'aantii mooyaane. Waana sidii horeyba uu usameeyay burburintii awoodii Jabhadii Anfarta ee FRUD, badbaadinta Dawlad Jad iyo joojintii Hanjabaadii Eritrea ee 1996.
 
3) Balanfurkii Ismail Omar ee Isyas Afwerki ee joojintii diplomasiyadii hoose ee Arrimaha Somaliya iyo Ethiopia (Backdoor Diplomacy) iyo waliba dhiirigalinta Madaxda Ururak Dib-uxoreynta Somalia inay usoowareegaan Djibouti, xaruna kadhingtaan.
 
4) Waxaa kale oo xukuumada Djibouti ogaatay in Dawlada Eritrea hunguri-kagalay dhaqaalaha laga helli-doono buundadada looqorsheegay, Ras-Doumeira, iskuxidhka Yemen iyo Geeska Afrika. Goobta aasaaska Buundadaa oo kutaala meesha imika uu dagaalku kasocdo; ahna degaanka Cafarta (Afar) oo ay iskuhaybyihiin Danakilka Eritrea.

5) Eritrea oo uragta "Buundada Cusubi ee Ras-Doumeira, inay iskuxidhayso Khalijka iyo Ethiopia, oo Istraatiijiyana wiiqaysa Eritrea. Aakhirkana xidhidoonta dakadaha Djibouti, Bosasso iyo Barbara."

Hadaba waamaxay danta ugujirta Ethiopia, Khilaafka Djibouti iyo Eritrea; ama danta Eritrea ee dagaalka siisocda ee Muqdishu.

1) Waxaa wiiqmaya Socodkii Bucsharad-Hubeedka ay wadaan Dameeraha, fardaha iyo Awrta ee soodhexmarijiray xadka Eritrea iyo Djibouti ee usocda Jabhadaha OLF, ONLF, ALF iyo xiitaa Muqaawamada Somaliya ee usocday goobahooda.

2) Waxaa soodagdagaya "Halgankii Danaakilada Eritrea, Oday Caliga Ethiopia iyo Anfarta Djibouti" oo helaya balanqaadkii Hogganka Cusub ee Ethiopia iyo hogganka Suldan Cali Mirix ee maanta oo ah inay helaan dhul ay canfartu kumidaysanyihiin oo Dakad leh...taasi oo ah Casab (Assab)..oo dadka Anfartu (Danakil) iska leeyihiin...Suldanka Anfarta ee Cali Mirix, oo Istiraatiijiyadaa kuhamiyay, oo waliba kasooguuray Jiddah, Sa'udi Arabia, haatna dagan degaanka Ismamulka Canfarta ee Ethiopia,; si qorshaaa fog loo hirgaliyo. Istiraatiijiyada Suldan Cali Mirix oo himilo-dheer leh, kana kooban, Dhulalka Canfarta ee Ethiopia, Eritrea iyo Djibouti.

3) Abuurida Ismaamulka Degaanka Anfarta oo aykujirto Dakada "Casaba (Assab)" ee bada cas...waxay muujindoontaa himmiladii "Hogganka Amaharada" ee kamiska ah taliska EPRDF si loohello Dakad ay umadax-banaantahay Ethiopia, taasi oo daminaysa colaada Amharada iyo Tigrayga maanta haysta xukunka Ethiopia; oo kudooda "in hoggankii TPLF ee xukunka Ethiopia qabatay 1992 ay kudegdageen aqbalaadka caalmiga ah ee Xoreynta Eritrea."

4) Dagaalka Muqdishu oo siisocdaa iyo Abaaraha Ethiopia, waxay dib-udhigayaan, himmilada Hogganka maanta ee Ethiopia, Amxaarada dibada iyo Jabhada Canfarta ee kadagaalanta Guddaha Eritrea si looqabsado dakada Casab (Assab)..iyad oo loodeegsanayo jabhada Danaakilada (Anfarta) ee kasoohorjeeda Eritrea.

5) Dawlada Sudan dhawaan waxay muujisay ahmiyada xidhiidhka Eritrea, si Sudan ugahortagto colaad kaga timaada dhinaca Eritrea oo ay maleegayaan Reergalbeedku. Taasi waxay gilgishay xukuumada Melez Zenawi. Si Ethiopia ugu dhawaato Sudan loona wiiqo dhaqdhaqaaq diplomaasiyadeedka Eritrea, waxaa bishii hore Ethiopia samaysay, go'aan ay talisyadii Ethiopiyadii hore waa Xaylle Sillase iyo Mengistu kawar-wareegi-jireen oo ahaa " in Ethiopia uceliso dhul Sudan" oo kuyaalaa xadka labada wadan. Hadaba Socdaalkii bishii hore uu kutagay Sudan, Wasiirka Arrimha Dibada Ethiopia, wuxuu sicad ugu wareejiyay dhulkii ay Sudan tirsanaysay muddada dheer. Balse heshiisku waa qarsoodi; lama shaacin......waxaase markhaati u ah hirgalintiisa Ciidamada Sudan ee soogalay galbeedka Ethiopia..waa degmooyinka kuwaajahan Gadaraf ilaa Gambella National Park. Ujeedada Ethiopia ee heshiiska Sudan waa mid iskacad; Si ciidanka Ethiopia ay ugu sahlanaato weerarka dhabarjabinta ee marinka dhulka Sudan (Gadaref) si loo qabsado Teseney (eritrea), loona wiiqo xadka Eritrea iyo Sudan; waa dagaalka soosocda abaabulkiisa.

Akhriste, Maqaalka danbe wuxuu kusaabsanyahay; Dhaqdhaqaaqyada Colaad Siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo sida ay isugu xidhanyihiin, oo hordhaceedu ahaan doono: "Danta lagaleeyahay Khilaafka Qawmiyaadka iyo Jilibyada Geeska Afrika", ....waa dagaalada soosocda abaabulkooda (lasoco isaga oo faahfaafsan).

Taxanaha Weedhaha Diplomasiyada Waxaa Qora


Nur Kafi
Qoraa & Khabiir Arrimaha Taariikh-Siyaasadeedka Geeska afrika
Contact at [email protected] or [email protected]


 





Click here