fiogf49gjkf0d
Inj. Maxamed Cali Cibaar
[email protected]
Maansadaan la magacbaxday Cajaa’ib waxay soo baxday 26kii Jannaayo 2008, waxayna maansadu ka hadlaysaaarrimo arrimo ay ka mid yihiin:
Xaaladda musiibo ee ay Soomaalidu maanta ku sugantahay, taas oo ah mid ay iyadu gacmaheeda ku kasbatay. Dhibkaas oo aan cidna dhinac marin, dhamaanna la wada dhadhamiyay.
Sida hoggaankii umadda iyo aqoonyahannadeediiba ay uga gaabiyeen waxkaqashada arrimaha faraha ka baxay, ayna nasiibdarro in badan oo ka mid ahi ay noqdeen kuwa dhimbilaha sii hurinaya, maxastana xaabada uga dhigaya.
Sida ay dowladihii caalamku indhaha uga qabsadeen xasuuqa iyo xadgudubyada ka socda Soomaaliya, iyagoo waliba ay qaarkood si toos ah uga qaybqaadanayaan falalka ka dhanka bani’aadminnimada ee lagu hayo maatida Soomaaliyeed.
In ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay wax ka bartaan waayihii kharaaraa ee la soo maray, kuna baraarugaan halista ay diin, dad iyo dal ahaanba maanta ku suganyihiin. Waa in loo wada guntadaa sidii looga shaqeyn lahaa badbaadada ummaddan sii rogmaneysa.
In haddii maanta ay dowladihii dunida iyo ururradii ay ku mideysnaayeenba ay naga hiilliyeen, aysan taasi la macno aheyn in la garab iyo gaashaan la’yahay. Sida loo arag xunyahay, looma Alle la’a. Haddii iimaan iyo Allekacabsi lala yimaadana waa hubaal in Eebbe uu awooddiisa xoogga badan noogu hiillin doono.
Maansada Cajaa’ib waxay ku billaabmeysaa:
Cishaba waa ceyn adduune
Codkeyga waxaan u gaabshay
Haddaad Cabdiyow1 tabeyso
Cadowgan isi soo baheystay
Canaadkiyo cagajugleynta
Inaan ka cabsooday maaha
Inaan caynleyda maanso
Walaal curin waayay maaha
Inaan sida qaar ku ceesha
Cantuugo yar siistay maaha
Waxaase I ciilay saaxib
Caloolyowga waxaygu beeray
Cajaa’ibka taagan maanta:
Markaan xaqa iska cameynay
Halkuu dulmi noo carrowshay
Taladan caynkeed wareegtee
Ka raran hoostiyo caloosha
Xafiiska cunaha ku yaalla
Carrabku uu agaasimaayo
Ee uu cilmigiisu keenay
Wixii camirnaa dhexdiisiyo
Inuu carrigiiba joogo
Canjeeriyo koob caddeys ah
Caleen jaad ahoo cagaaran
Amaba caanteyn sunuud ah.
Waxaase i ciilay saaxib
Caloolyowga waxaygu beeray
Cajaa’ibka taagan maanta:
Colaadda sokeeyoo faankaa
Cashiiradan la isku bi’iyay
Ceebtaan laga dhiidhineynin
Cudurka waallidee dillaacee
Bukaanka calaashigiisa
Carunka maatida dhamaatiyo
Cabidda dhiig ehel u roontay
Cirbadda la yiraa halaaggu
Haddana caafimaad la moodoo
Soomaali ku ciribgo’eyso.
Waxaase i ciilay saaxib
Caloolyowga waxaygu beeray
Cajaa’ibka taagan maanta:
Cayaar qabriyada dushooda
Dharaartii lagu caweeyo
Cirrooluhu ugu horreeyo
Cuqaashii jiibineyso
Culumadii daawaneyso
Dumarka carraweeladooda
Cuuggiyo midka labawajiilaa
Fidnooluhu ay ka caanyiin
Markii kuman curad la dooxoo
Xinjiri goobta ay caseyso
Ku naaxa calaacalkoodoy
Cabaad ugu bilanto dheeshu
Intii shaydaan careysan
Cirfiid in la raalligeliyo.
Waxaase i ciilay saaxib
Caloolyowga waxaygu beeray
Cajaa’ibka taagan maanta:
Cosobkii laga dhaxlay awoowiyo
Ciiddeennii udgoon aheydee
Cirweyne na soo hujuumiyo
Shisheeyuhu uu ka caagay
Intaan kumi ceyrineynay
Markaan daaficii cidleynay
Hororkii ciddiyaha xumaayeen
Dorraad ceyriinka siinnay
Tigree inuu casir yimaado
Inuu calankiisa ka taagto
Keennana carraduu ku jiido
Sidii calalkii u duubo
Caasimaddeennii burburiyo
Masaajiddii calaq ku qooshtoo
Inaanu casuunnay sheegto.
Waxaase i ciilay saaxib
Caloolyowga waxaygu beeray
Cajaa’ibka taagan maanta:
Markey xaajadu cakirantee
Culaabta la qaadi waayo
Iney Qarankooda caynshaan
Kuwii loo soo carbiyayee
Islaan cafash iibineysa
Cariish shilin laga aruurshiyo
Canshuurta ku soo barbaaray
Cayilka iyagoo la liici
Badina lulaneyso caashu
Iney kibir camanka buuri
La yaabi ciyaalka baahan
Caatada haqaneysa oonka
Cooshadahaa lagu qaxaayo
Caa’iladoodiina ka faani
Oo uu cindigoodu siiyay
Iney caasinnimadu sharaftoy
Aabbiyo hooyaba ka cararaan
Ku dhuuntaan carro shisheeye
Halkaa cawskiyo ku daaqaan
Cashada hoostooda taalla
Cambuulada lagu dagaayo
Cantoobo la eedi doono.
Dadkaan caashaqay xumaantee
Isagoo coodkiisu buuxo
Sidii ruux ceyr ah tuugsan
Dakaan cisi heli karaaya
Cabiidnimadase ka doortay
Dadkaan codsigiisu keenay
Gumeysiga caawa jooga
Inuu cayayaan dulleysto
Midduu Cabdullaahi2 sheegay
Carruuraha soo koraayiyo
Hilibka ubadkee cajiiman
Cuqubadii laga horjoogay
Hadduu codcod sixina mooday
Ciqaab xeeradii ka leefyoo
Catowgiisaa u maragee
Cabbaar haddii uu dhibtooday
Cadaabkiina wada dhadhamiyay
Cadradahaa lagu hor jiitiyo
Raggiisa la ceejinaayo
Rafaadku inuu caraadshuu
Casharka ku baraarugaa iyo
Inuu weli calawasaadoo
Annagaa caadka sare u dhaafnoo
Calaacasha timo ka keenniyo
Caaqnimadii aan naqaannay
Cideysi kas dhaafi waayo
Cishooyinkaan aanu dhowrno.
Haddii cudud laysku geeyo
Caqliga aan laga midoobin
Cafisku waa lama huraane
Haddaan laabaha la culannoo
Cuqdado aan laga koreyn iyo
Cuncunku tafaraaruq keeno
Kalsoonidu heddey cadhowdoo
Caynaanka la wada haweystay
Intuu ninba cirif u jiito
Daneysigu gaaro caalwaa
Run waa lagu ciilbaxaaye
Haddaan cimrigeen rucleyno
Amaan cakuyey la meerno
Caaddifad aan qorshe laheyn iyo
Carcarar guuli kuma timaado
Cadaawana laguma jebiyo.
Halganku cahdi iyo iskaashi
Cadliga oo lagu hoggaansho
Calowga oo laga ilaalsho
Halbeeg cabbiruu rabaaye
Intuu caalluhu horboodo
Markey himiladu cawaranto
Mugdiga leysku wada ciriirshoo
Cilaaqtanka lagu tartamayo
Ayaan cudbigii ku doodin
Inuu birahaba ka culusyay
Rajada yaan caad la saarin
Iyadoon cudurdaar la moogeyn
Wixii cilladaa aan darisno
Canaanta ha loo dulqaato
Halkey caanuhu ka daateen
Duleellada aan cufeyno
Waanadu yay canaanyo keenin.
Cigaal intuu madaxa saarto
Ninkii garka soo cillaansha
Khaliijka cambuurradiisiyo
Cimaamad guduudan qaatoo
Kalmado carabiya yaqaanna
Haddaan camalkiis tilmaamin
Ka dhigin ceel loo arooriyo
Cadceed wax iftiimineysoo
Badbaadiya caamadiisa
Richard Burton 3 -kii Cadmeed iyo
Billuu Shiikh Cabdalla yahaye
Curraafkii soo hagoogta
Durbaba caalim yaan la moodin.
Casrigu qaar uu dawakhiyoo
Fikrado lagu soo cabbeeyoo
Maskaxdu cubantaan arkaaye
Aqoontiisu key curyaantee
Cunsuriyadi iney gar tahay iyo
Caqiidooyin Jaan rumeysan
Caadiyo dhaqankeennii diiddan
Islaamkaba cay u haysta
Cawrana aan dadan kareynin
Asey tiisuba caddilantee
Cadale googgaalihiisa
Intaan cutub loo rigeynin
Amaan la caleemosaarin
La cuskan xuub caarocaaro
Calaamad kalaa ku taalle
Halkuu carcartaan ka keenay
Cinwaankeeda aanu hubinno.
Cadaadis markii la saaray
Qaarkoodna carbuun la siiyay
Carabahaan weheshaneyiyo
Afrikadaan caawineynay
Hadduu caalamkii dhammaantii
Garteenna ka caajisaayoo
Dhibkeenna ku ciidi saaka
Woyaane hadduu u ciidmin
Cagoole gurguuranaayiyo
Cutuushyada gowracooda
Xasuuqa hadduu ku caawin
Cadadka kumannaanka dhaafiyo
Meydkey cagafcagaftu duugto
Hadduu uba carrabdhabaayo.
Sidii cambihiyo babaayga
Inaan cunto nahay la boobo
Haddii loo wada codeeyay
Golaha4 cilinkaa ku baaqay
Cantaatac wax loo abuuray
Inuu dulmanaha cabburiyo
Awalba cucub buu ahaaye
Isagu calafka ma go’aansho
Wuxuuse calaanku sheegay
Caaqibadiis iney dhamaatay
Ciyaalsuuqina u taliso.
Laakiin sey la tahay cawaanta
Annagu meel ciirsilaa iyo
Cidliyo geerigo’an ma joogno
Diinkaba isagoo caddiinoon
Laheyn qoloftaa cusleysay
Markey haddii is ciyatay
Intuu Cantallaay ka kow yey
Cadkiisa u soo heshiiyeen
Ciyoonna akhbaarti gaartoo
Colkii kugu soo dhawaaye
La yiri carar oo godkaa gal
Isagoon baqdin cantatabeynin
Caadilkii uu isku halleeyiyo
Iimaankiisaa ka celiyee
Cibaadada weynaheenna
Caddaalad haddii aan badinno
Haddaan midnimada ciseynoo
La diido qabyaalad caabbud
Warmaha tuman caaraddooda
Haddaan caabbinta ku samirnoon
Dhufeysyada jiif-cabbeyno
Cawiyo maalinna dadaalno
Quraanku siduu caddeeyay
Allaha cirka roob ka keena
Casiiskaa noo gargaariye
Carshiga aan khayr ka filanno.
Carshiga aan khayr ka filanno
Carshiga aan khayr ka filanno
Carshiga aan khayr ka filanno.
1.Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, wuxuu bare sare ka yahay Jaamacadda Minnesota ee waddanka Mareykanka. Cabdi wuxuu kaalin hormuudnimo uga jiraa halganka loogu jiro sidii loo badbaadin lahaa jiritaanka umadda Soomaaliyeed ee halista ku sugan.
2. Abwaan C/laahi Suladaan ( Timacadde), A.H.N , sugaantiisa dhaxalgalka ah ee taariikhda gashay waxaa ka mid ahaa gabaygii; Dugsi ma leh qabyaaladi, waxay dumiso mooyaane.
3. Richard Francis Burton (1821-1890), oo Soomaalida dhexdeeda uga caanbaxay Shiikh Cabdalla, wuxuu ahaa sahmiye weyn oo ay dhalashadiisu Ingiriis aheyd. Intii u dhaxeysay 1842- 1853 wuxuu ka mid ahaa ciidamadii ay qoratay shirkaddii British East India Company. Sanadkii 1853, sida la sheego waxaa u suurtogashay inuu booqdo magaalooyinka barakeysan ee Maka iyo Madiina, isagoo isku ekeysiinaya qof muslim ah oo soo xajinaya. Bishii May 1854, Richard waxaa loo badalay magaalada Cadan ee waddanka Yamen, si uu u soo basaaso dadka Soomaalida ah oo xillagaas ay gumeysteyaashu wax yar ka yaqiinneen. Richard Burton, isagoo iska dhigaya wadaad carbeed oo diinta Islaamka faafinaya ayuu howshiisii ka billaabay magaalada Saylac isagoo soo sahmiyay ilaa magaalada Harar oo xilligaas aheyd xaruntii ugu muhiimsaneyd ee Soomaalida. Bishii Abriil 1855, ka dib markii laga warhelay khiyaanadiisa ayay dagaalyahanno Soomaaliyeed agagaarka Berbera ku weerareen Burton iyo askar la socotay oo Ingiriis iyo Afrikaanba laheyd. Dagaalkaas oo ahaa mid aad u culus waxaa Richard Burton ka soo gaaray dhaawacyo culus, wuxuuna ku baxsaday doon ula carartay magaalada Cadan.
4. Golaha Qaramada Midoobay.
Inj. Maxamed Cabdi Cibaar
E-mail: