4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Hagardaamo
fiogf49gjkf0d

Qore Cabdullaahi Jano
Saturday, August 09, 2008

 

Saacaddu waa kowdii duhurnimo.  Xaafaddu way is nabeysaa, oo qorraxda kulkeeda laga gabanayaa.  Cagtu way yar tahay.  Waxa waddada socday nin da’ dhexaad ah.  Waxa uu sitay gal weyn oo xaashiyo iyo mastarad iyo jeeso ugu jireen.  Waa Macallin. 

Maanta waa casharkii Suugaanta Soomaaliyeed.  Waa hees waddani ah oo uu donayay in uu ardayda kala munaaqashoodo.  Hees uu rabay in uu ardayda ugu ifiyo waaqaca adag ee nolosha maanta—iyo cidlo-ciirsiga waayaha.  Wuxuu warqadihii dersiga geliyay galkiisii weynaa.  Waxa uu soo dhifsaday naastaro batari ku shaqeyso iyo cajal.  Waxa uu naastaradii ku duuduubay cimaamad, oo misana bac madow ku sii dhex-riday.  Qorshihiisu waa in uu ka qariyo jirriga waddada taagan.  Gurigiisii ayuu foojignaan uga soo baxay.  Waddadii ayuu cagta soo saaray.  Waxa ka hor yimid habar tukubeyso.

            “Macallin, Macallin,” ayey ku salaantay, iyadoo kor u eegeyso, “kheyr hele, geesiyow, ciyaalkeenaad dhulka ka qaaddee Baarriga dhulka ha kaa qaado—guuleyso Macallinow, guul adduun iyo guul aakhiro.  Waxaad ku jirtaa jihaad xaq ah.”

            Macallinkii waxa saaqay raxmad iyo farxad ruuxi ah.  Waa uu ogyahay in xaafadda looga sheekeysto, gaar ahaanna sida uu ardayda lacag la’aan wax ugu baro, aqoon tayo lehna u siiyo.  Sidoo kalena Macallinku waa uu ogyahay—amaba dareensan yahay—in nimco waliba ay nusqaanteeda leedahay.  In noloshiisu ay halis geli karto markii ay fidna-wadayaashu ogaadaan magaciisa—iyo waxtarkiisaba.  Waa halis. Halis. 

            “Aamiin, Allow aamiin,” ayuu Macallinkii ugu jawaabay islaantii tukubeysay.

Waxa uu Macallinku soo ag-maray biibito oo joornaalkii maalinta soo iibsaday.  Mise waxa ku qoran sheeko isaga ka hadleysa.  Waxa warbixintii ku qorneyd in Macallinku yahay dhaba-dhilif, diin-la-dirire, khiyaanoole-waddan, iyo wax xille.  Macallinka durbadiiba waxa ku soo istaagay dhidid waaweyn.  Waa cabsi.  Waa ciil.  Tabar ma hayo—oo waa looma ooyaan.  Tolkiisu waa dadka laga tirada badan yahay.  Waa uu gartay in la nabsaday, in shirqool loo dhigayo.  Waxa uu soo xasuustay barafasoorkii ku qalqaalinayay in uu Macallinku af-hayeen u noqdo koox qabqablayaal ah.  Macallinku arrinkaasi waa uu ku gacan-seeray.  Waxa uu dareemay in barafasoorku uu yahay cidda shirqoolaysa.   In barafasoorka uu doonayo inuu bah-dilo Macallinka, deetana ay caamadu gadoodaan—sidaana looga takhluso Macallinka oo aan lays weydiin.  Macallinku waxa uu galay laba-labeyn: in uu iskoolka aado oo dersigii bixiyo; ama in uu dib u noqdo, oo gurigiisa ku dhuunto.  Waxa uu doortay in uu dersiga bixiyo.  

 

Saacaddu waa kowdii iyo barkii duhurnimo.  Macallinku waxa uu si nabad ah ku yimid iskoolkii.  Waxa uu u soo galay arday soddomeeyo gaareysa.  Qaar waa hooyo la’aan.  Qaar aabbe la’aan.  Qaar hooyo iyo aabbe la’aan.  Qaar ehel iyo xigto toona ma lahan.  Waa waaqaca dhallinta Soomaaliyeed wixii ka danbeeyay burburka Soomaaliya.  Dagaaladii ayay ku hoobteen, ama badweynta Hindiya ku hafteen, ama qabri qaxootiga ku yaalla u hoydeen, ama burbur qoyseed haleelay.  Yaraa reer is-heysta, oo hal ah.  Ha sheegin.

Ardaydii kuwo waa joogeen, kuwo dhexda ayey soo socdeen, kuwo kalena waxa baajiyay nolosha aan jihada laheyn.  Macallinkii galkii ayuu dul saaray miiskiisii.  Waxa uu cimaamadii ka soo bixiyay bacdii, deetana inta kala furfuray buu naastaradii soo saaray.  Ardaydu qaar isaga ayey daawanayeen, qaar kalena qalimo ayey iska baryayeen, qaar kalena way sheekeysanayeen.

            “Haye, haye, diyaar noqda,” ayuu Macallinku yiri, “maanta waxaynu dhageysaneynaa hees, oo aynu faaqidi doonnaa miraheeda, oo aynu ku cabiri doonna waaqaca nolosheenna.”

            Ardaydu waxa ay la soo baxeen buuggoodii Suugaanta Soomaaliyeed.  Waxa ilbaabka ka soo galay ardaygiisii Aflow oo neef-tuuraya, dhididkuna ka dareerayo.   

            “Aflow waqtiga dhowr,” ayuu Macallinku yiri, “waqtigu waa cimrigaaga,e.”

            “Macallin, gabar i jecelaa isbaaro ii dhigatay,” ayuu Aflow la soo booday.

            Waxa qosol la daatay ardaydii iyo macallinkooduba.

            “Saa maxaad isku furatay?” ayuu Macallinku yiri.

            “Sahal lee waaye, Macallin,” ayuu Aflow yiri, “aldunyaa fil basar, walxaawaley fil beer-laxawsi.”

            “Haddee is-ilaali,” ayuu Macallinkoo qoslaya yiri, “gabdhaa fasalka kula dhigto.”

            “Kaana caqli badan,” ayuu la soo booday Uuseey oo caadiyan lakad Aflow ku ah.

            “Is-bahdilku kaftan ma galo,” ayuu Macallinku yiri, “haye, haye, waxaad u kala baxdaan labo rac oo min siddex kooxood ah.”

            Ardaydii waa ay is kala qeybiyeen.  Markii ay sharqantu degtay, waxa daaqaddii fasalka ku soo degay shimbir guumeys ah.  Ardaydii way isu tilmaameen, shareysteenna.

            “Aflow adigaa dhimanaya,” ayuu Uuseey ku qeyliyay, qosolna ku daray, “hihihi!”

            “Uuseey, baacow, markaan iskoolka u soo socdaan soo arkay,” ayuu Aflow ku jawaabay, “waxayna kor saarneyd gurigiinna korkiisa—fiiri siday indhaha kuugu gubto!”

            Uuseey inta naxay buu sare u booday, oo kab dacas ah inta iska siibayuu la beegsaday guumeyskii fadhiyay dariishada isagoo leh, “Yaahuu iyo shaqfur!  Yaahuu!!”

            Guumeyskii waa uu duulay.  Macallinku waxa uu ku qoslayay ficilkii Uusey.

            “Wallaahi? Ma soo aragtayna?” ayuu si hoose wiil u su’aalay Aflow.

            “Adna doqon haygu noqon,” ayuu yiri Aflow, “rag iska dhici baan is-lahaaye.”

            Waxa isla markiiba yeertay heestii uu macallinku shiday.  Waa hays la casriyeeyay, oo si dabacsan kaman keliya loogu tumayay, cod dabacsanna leh.

 

“Dal-jir daafaca qaranimo

Xirfadaha loo doortoo

U toog haya digta aafada

Dastuurka ilaalshoo

Maatadana daryeelow

Dadku ku hiirto baan ahay

 

Waxaan dabac ka dhawraa

Degdeg aan u fuliyaa

Waajibaadka la ii diro

 

Markay doodi dhalatana 

Xubin baan la doontaa

Waana daqar cadaawaha

Ka damqinaaya boogaha

Gacalkuna ku diirsado.”

 

            Intii ay heestu socotay waxa uu Macallinku miraheeda ku qorayay sabuuradda.  Markii ay heesta dhammaatay ayuu misana mar labaad ugu soo ceshay si ay u dhuuxaan macnaha.

            “Sida aad aragtaanba,” ayuu Macallinku yiri, “heestu waxa ay ka kooban tahay siddex beyd.  Waxa aan doonayaa in loo kala dhigdhigo beyd beyd, sadar sadar, iyo erey erey.  Su’aal: Heesta magaceed?  Codkee ku hadleysaa?  Ciddee la hadleysaa? Maxay heestu dooneysaa?  Maxayse diidan tahay?  Maxay ina fareysaa?  Maxay heestu inoo sarbeebtay oo haddii aan la sameynin uu cadowgu ku farxayaa?  Labaatan daqiiqo ku dhammeeya—wax is-weydiiya, hase buuqina.  Wax is weydiintu waa ilbaxnimo—buuqase waa badownimo.”

            Ardaydii madaxa ayey isla galeen, oo wax is-weydiinayaan, wada munaaqashoonayaan, mar is-raddinayaan, mar is-waafaqayaan, mar isku qoslayaan….  Arday waliba waxa uu qalinka ku boobayay xaashida.  Macallinku waxa uu ardayda hayay siddex sano, oo waa ay barteen.  Waxa uu iyagu wax ku baraa bilaash, iyaguna waxa ay soo gataan buugaagta iyo qalimaanta.  Waxa uu dalka Suudaan ku soo diyaariyay shahaadada mastarka oo ah Maamulka Iskoolada, ka horna waxa uu shahaado ah Falsafadda Islaamka ka soo qaatay dalka Ciraaq, isagoo horayna macallinimada ka soo bartay Jaamacad ku taalla dalka Ugaandha.

            “Haye soo jeesta,” ayuu yiri Macallinkii oo sacabada tumaya, “soo jeesta.”

            “Macallin hal daqiiqo,” ayuu cod meel gees ahi ka soo yiri, “hal daqiiqo.”

            “Labo ka dhigo,” ayuu Macallinkii yiri, “adigaana akhriska billaabaya.”

            Ardaydii in yar ayey qalinka xaashida ku jiidjiideen.

            “Haye, billow,” ayuu Macallinku yiri, “labo daqiiqo ku akhri jawaabaahaaga.”

            “Heestu magaceedu waa ‘Anaa Wadani,’” ayey tiri gabar u hadleysa kooxdeeda, “waxa aynu kala soo baxnay fahamka guud oo ah cidda hadleyso, waana qof ballan la galaya dalkiisa hooyo.  Heestu waxay la hadleysaa wadiniyiinta Soomaaliyeed oo idil.  Heestu waxay dooneysaa, ama nagu baraarujineysaa in aynu dalkeena daacad u noqono, khilaafkana xal loo helo.  Heestu waxay diideysaa—si maldahan—in la qiyaamo dalka, in la dayaco danta guud, cadowguna uu ku farxo.”

            Gabartii waa ay fariisatay, ardayduna waxa ay eegayaan Macallinka, warna ka sugayaan—waa u caado in uu tacliiq ka bixiyo jawaabahooda suugaaneed.  

            “Ma xuma,” ayuu Macallinku hadal ku billaabay, “si isku duub ahaad heesta u faaqidday.  Waxaan aad u jecleystay sida aad magaca ula soo baxday: ‘Anaa Wadani.’  Waa magac ku habboon heesta.  Taa waa wanaagga faaqidaaddada.  Dhaliisha ay faaqidaadu leedahay, iyo kooxdaadaba, haddii aan kuu sheego, waxaad ka tagtay in aad daliil kala soo baxdo miraha heesta, daliil xujo u ah faaqiddaada.  Faaqidaad aan daliil laheyn waa feynuus aan dun laheyn.  Ruuxdaa ka maqan.  Cillad kale oo ay faaqidaadu leedahay waxay tahay in aadan kala dhig-dhigin macnaha ay heestu huwan tahay.  Si guud ahaan baad u dul-martay.  Ma’aadan haqab-tirin su’aashii aheyd: ‘Beyd beyd, sadar sadar, erey erey.’”

            Macallinku markuu tacliiq ka bixiyay faaqidaadii kooxdii koowaad, ayuu waxa uu isha la raacay fasalka.  Wejiyada ardayda ayuu dhuuxayaa.  Waxa caado u ah in uu dib u dhigto ardayda uu ka dareemo kalsooni.  Waxa uu su’aalaha ku hormariyaa ardayda uu ka dareemo in aysan dersiga fahmin ama aysan diyaar u aheyn in ay hadlaan ama baqaya. 

            “Aflow,” ayuu Macallinku yiri, “noo akhri waxay kooxdaadu qortay.” 

            “Een, kooxdeenna, een, waxaan, een,” ayuu Aflow ku billaabay hadal, “sidaannaan u faaqidnay heesta.  Magaceedu waa Dal-jir.  Dal-jir waa erey salka ku haya afka reer miyiga iyo dhaqanka Soomaalida—sida geel-jire, ari-jire, iyo wixii la halmaala.  Heesta in magaceeda la yiraahdo ‘Dal-jire’ waxaynu kala soo baxnay xarafka ugu horreeyo oo ah cidda hadalka wadata, oo ah cidda ballanka la galeysa Soomaaliya, oo ah cidda xumaha u diiddan Soomaaliya, oo ah cidda samaanta la rabta Soomaaliya.  Dal-jir inay tahay cidda hadleyso waxa daliil inoo ah dhammaadka beydka koowaad oo ku dhamaada ‘Dadku ku hiirto baan ahay.’ 

Beydka ugu horreeya waxa ku jira dhowr farriin oo laga doonayo wadaniga Soomaaliyeed: difaaca qaranka, xirfad tacliin ku saleysan, dhiifoonaan, sharci ilaalin, badbaadinta wadaniyiinta Soomaaliyeed.

Beydka labaad waxa uu na farayaa in wadani walba oo Soomaali ah uu dalkiisa hormariyo.  Ereyga ‘dabac’ ee ku jira beydka labaad sadarkiisa koowaad waa micno badan yahay.  Mar waxa uu u dhici karaa khiyaano waddan.  Marna qaadashada ama bixinta laaluushka.  Mar kale wuxuu u dhici karaa in loo soo jiido ceeb, oo cadowgeeda la hoos geeyo.  Mar wuxuu ereygu ‘dabac’ noqon karaa in dib u dhac uu waddanku ku yimaado. 

Beydka siddexaad waxa uu na farayaa sida xalka lagu gaaro.  Haddii la is fahmi waayo, waa in loo noqdaa dastuurka waddanka ama xeerka dhaqanka.  Beydkan waxa uu ku micne yahay aayadda Kariimka ahee Muslimiinta fareysa in haddii ay is-khilaafaan ay u noqdaan Quraanka iyo Sunnada.  Beydka siddexaad waxa uu ina xasuusinayaa in cadowgu uu niyad-jabo markaynu xallino dhibteenna, wadaniguna uu farxayo markaynu is-walaaleysanno. 

Gaba-gabo: heestu waa hees ruux waliba oo Soomali ahi ka dooneysa in uu dalkiisa ballan qaas ah la galo.  Heestu waa wadani.  Waxa ay heestu u muuqataa mid fasireyso heesta caanka ahee ‘Soomaaliyeey Toosoo.’  Waxa ay ‘Dal-jir’ fasireysaa sidii ay Soomaalidu uu toosi laheyd oo isugu tiirsanaan laheyd—waxa mudan ee ay u baahan yihiin in ay sameeyaan, dadkooda iyo dalkoodana ku dhaqdaan.  Heesta ‘Dal-jir’ waa hees maanta beddeli karta ‘Soomaaliyeey Toosoo.’  Sababku waxa weeye iyadaa waaqaca lagu jiro ku habboon, oo codka ‘Dal-jir’ waa qof hadlaya, oo dalkiisa ballan la galayo, waxay heestu hal hal u carrabaabeysa waxa laga raba wadaniga Soomaaliyeed.  Dhanka kale, codka ‘Soomaaliyeey Toosoo’ waa mid guud—sidii inuu qof kale oo siddexaad uu ku addimayo ‘Soomaaliyeey Toosoo’, oo heestan ma carrabaabayso sida uu wadanigu ugu shaqeyn lahaa dalkiisa.”

Macallinkii wuu dhoolla-caddeeyay.  Aflow waa uu fadhiistay. 

“Hambalyo!” ayuu Macallinku ku yiri, “way i qancisay faaqidaadiinna.”

Macallinku waxa uu xaashiyihii ka uruursaday ardaydiisii.  Waa la kala hoyday.

 

Saacaddu waa lixdii maqribnimo.  Waxa la kor taagan yahay qabrigii Macallinka.  Ardaydiisii wixii ka soo gaari karay aaskiisa waa ay joogaan.  Kafan cad ayaa ku duuduuban.  Madaxiisa waxa ka gaduudan dheecaan iyo dhiig.  Cidda dishay lama oga.  Dadku qaarkii waxay lahaayeen waxa dilay qabqablayaasha.  Qaar kale waxay lahaayeen waxa dilay wadaadada.  Macallinkuse waxa uu yaqiinsanaa mid: in warbixintii barafasoorka ee joornaalka ay aheyd dhimashadiisa.  Hayeeshee Macallinku nasiib uma uusan yeelan in uu ogaado cidda la beegsatay shiishkii maskaxdiisa soo daadiyay.  Waa waaqaca Soomaaliya.  Waa dhacdada maanta.  Meel ay ku dhammaaneysana ma muuqato.  Waa hagardaamo.  Ma hagardaamo sokeeye?  Mise mid shisheeye.  Yaa og?


Qore: C/Laahi Jano

Fadlan wixii talo iyo tusaale ah iigu soo hagaajiya Email: [email protected]

 



 





Click here