4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif: Laba Shakhsi oo u Muuqda in ay Soomaaliya Nabad ka Dhalin Karaan
fiogf49gjkf0d

ARAGTIDA
HIIRAAN ONLINE
Monday, April 14, 2008


Qormadeennii ugu danbeysey ee ciwaankeedu ahaa  Nabad ku soo Dabbaalidda Soomaaliya, waxaan tilmaannay, “Dhinacyada ugu muhiimsan ee siyaasadda dalkeenna - Dowladda Federaalka ku Meelgaarka iyo Isbahaysiga mucaaradka ee Casmara – in aanay ka muuqan rabitaan in ay heshiis nabadeed gaaraan.”.
 

Ahmedou Ould-Abdalla
Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.
Waxaan aragnaa in lagama maarmaan ay tahay in qiimeynteenaas aan dib u eegno sababtuna waxa ay tahay dadaaladda nabadeed ee uu wado mahadi ha ka gaadhee, Axmedou walad Cabdalla, ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya. Asbuucii tagey Dowladda Federaalka ku Meelgaarka iyo Isbahaysiguba waxa ay si gooni gooni ah ula kulmeen Wakiilka Qaramada Midoobey oo biya dhaca dadaalkiisa nabadeed uu yahay in labada dhinac ay wada xaajoodaan.
 
Laba kamid ah shakhsiyaadka ugu mhiimsan dhinacyada isku haya Soomaaliya, waa Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ku Meelgaarka ah, Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” iyo Guddoomiyaha Isbahaysiga Dib-u-Xorraynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaas oo labaduba rabitaan xooggan ka muujiyey in la helo xal siyaasadeed una eg shakhsiyaad leh kartida lagama maarmaanka u ah in Soomaaliya nabad lagu soo dabbaallo.
 
Qoraalkan daba socda, qormadeennii asbuucii hore, waxaan ugu tala galnay in aan ku qiimayno rajada laga qabi karo in labadaan hoggaamiye-siyaasadeed ay kaalin horyaalnimo ah ka ciyaaraan dadaaladda loogu jiro nabad iyo dib-u-heshiisiin Soomaaliya ka taabba gasha.
 
Taariikhaha waxaa aad loogu xusaa dad caadi ah oo xaqiijaya ama gaara guulo aan caadi ahayn iyaga oo ay dadkaas ku gudbanaayeen caqabado aad u waaweyn. Taas ayaan keenta in  bulsho kastaa ay huwiso hanadyada iyo horyaaladda guusha u hanta halqabsiyada ah hogaamiye iyo halyeey. Taariikhdu waxay kaloo in la xusuusnaado u xifiddaa mar-marna u xigataa gabood-falka iyo fashilka dadka hungooba iyaga oo horseednimo iyo hagar la’aan guul keenta laga filayey.
 
Waxaa xaqiiqo ah in bii’ada ama deegaanka iyo arrimo ka baxsan tala-galka bini’aadamka ay saamayn weyn ku yeeshaan is-rog-rogga waayaha adduunyada ama wax qabadka ama wax-qabad la’aanta bini’aadamka. Markii hoos loogu dago, zaqiiqadu waxay tahay raadka iyo waxa ka dhasha dhacdooyinka iyo isku-dayga taariikheed, waxaa caddaanaysa in dadna ay tis-qaadaan, gaaraan waxa ay goobayaan hirraalka iyo hal-adaygooda awgiis, qaar kalana ay hungo iyo faramarnaan la hoydaan habac-sanaantooda sababteed. Taasina ay caddaynayso in farqiga u dhexeeya qofka farriidka ah ee fir-fircoon iyo midka fadhiidka ah ee aalaaba fashila  ay yihiin: kasmada, kartida iyo korraynta aragtida.
 
Dhinaca Soomaaliya, ilaa iyo xilligii Madaxweynihii ugu horreeyey ee Adaan Cabdulle Cismaan waxaa gabaabsi la gaari waayey noqotay rag iyo hablo leh hannaan hoggaamin heer Qaran ah. Curasho la’aanta iyo ka baaqsiga Soomaaliya ay ka baaqsatay in ay soo saarto hoggaamiyayaal waa arrin ka yaabisay inta dibbadda ka daalacata dalan-baabiga Soomaaliya; iyada oo weliba dhalisay dhiirrashada cadowga Soomaaliya iyo niyad jabka shacabka Soomaaliyeed oo in ka badan afartan sano hammuun u qabay in ay helaan hoggaan hufan oo ummadda Soomaaliyeed ka saara hallaagga ku habsaday.
 
Ra’iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen
 
PM Nur Adde

Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ah Mudane Nrur Xasan Xuseen "Cadde"


Waxaa Shabakadda Hiiraan Online uga muuqda Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Fadaralka ku Meelgaarka ah Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde hannaan iyo tilmaamo  hoggaamiye.
Ra’iisul Wasaaraha ifaya (magaca Nuur iyo nay-naasta Cadde ayaa  labaduba tilmaamaan iftiin) muddadii gaabnayd ee uu ahaa Wasiirka koowaad waxa uu muujiyey doonid aad u weyn oo uu ku doonayo sidii loo soo af-jari lahaa mushkilada xididaysatey ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde waxa kale oo uu si xawaare leh ugu is-taagay in uu hakiyo sumcad xumada Dowladda Faderaalka ku Meelgaarka ah uga timid fadhiidnimada haysata iyo dagaalada ay dhinac ka yihiin iyada iyo ciidamada Itoobiya. Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde, waxa kale oo uu si xeel-dheer uga hadlay nabadda iyo dib-u-heshiisiinta isaga oo muujiyey dareen daacadnimo ka muuqato iyo doonid nabad Soomaaliya lagu soo dabbaallo. Baaqii Ra’iisul Wasaarahu ku caddeeyey in uu diyaar u yahay in uu kursigiisa ka dego haddii tanasulkiisaas uu soo dedejinayo nabad Soomaaliya ka dhalata, ayaa ahayd arrin Ra’iisul Wasaaraha u soo hooysey tixgelin in badan oo Soomaalida ka mid ah.
 
Weliba, xabsiga uu ka sii daayey odayaal dhaqameedkii xirnaa, waxay keentay in uu Ra’iisul Wasaaruhu hoos u dhigo nabadgalyo xumada iyo siyaasadda Muqdisho oo in badan cakirneyd. Waxaa kale oo uu Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde kasbaday ganacsatada suuqa Bakaaraha, kaddib markii uu u ogolaaday in ay samaystaan ciidammo suga amniga suuqa isaga oo ka saaray askartii Itoobiyaanka iyo maleeshiyaadkii DFKM ah.
 
Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde, waxa uu ku guuleystay in uu kasbado taageerada diblomaasiyadeed ee bulshada caalamka ee Soomaaliya danaysa, isaga oo weliba aan xiisad gelin xiriir Itoobiyaanka - oo ah maroodi arrimaha Soomaaliya dhex-fadhiya - dhinaca kalana aan u muuqan  adeege Itoobiyaanka u raran.  Waxaa kale oo uu Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ku guuleystay (ilaa iyo hadda) in uu hor-koco hannaanka geeddi-socodka nabadda ee DFKM, taasoo ka hor-dhacday  dib-u-heshiisiinta in uu hormuud ka noqdo Madaxweynaha halka-adag ee DFKM. Shacabka Soomaaliyeed oo wel-wel iyo shaki weyn ka muujiyey ciidamadda Itoobiya oo Soomaaliya dhex muraasaya, Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde niyadda ayuu ugu dejiyey oraahdiisii ahayd “ haddii Soomaalidu ay heshiiyaan ciidamadda Itoobiya Soomaaliya 48-saac ayay dalka uga baxayaan.”
 
Haddii la tixgeliyo in uu yahay Ra’ iisul Wasaaraha dal dagaal diloodey, Nuur Cadde hawsha u taalla ma fududa. Waxaaba yaab leh in uu ka badbaaday boholaha tirada badan ee ka dhex qodan siyaasadda  Soomaaliya oo mar kasta ah  mid cirka ku sharreeran. Taas haddii laga soo gudbo, Nuur Cadde nabad buu ku baaqay,  rajana waa muujiyey taasina waxa ay keentay in ay kor u kacdo kalsoonida taageerayaashiisa, qaddarinta kuwa ka soo horjeeda, ku hanweynaanta shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada bulshada caalamka. Kuwaas oo dhammaan ah guulo muddo lix bilood ah u soo hoydey Ra’ iisul Wasaare Nuur Cadde.
 
Guulahaas ka sokow, caqabada badan ayaa horyaal Ra ‘iisul Wasaaraha DFKM ah. Ugu horrayn, ciidamada Itoobiya, Soomaaliya waxa ay u soo galeen danaha iyo istiraatijiyada Itoobiya. Haddaba, ilaa intee ayay Itoobiyaanku daawanayaan in Nuur Cadde oo dhidibada u aaso siyaasaddo ku qotoma danaha iyo istiraatijiyadda Soomaaliya kana duwan sida ay Itoobiya wax u qorshaysatay. Taasi waa su’aal mudan in aad loo eego. Caqabad labaad ee hor istaagi karta qorshaha dib-u-heshiisiineed ee Ra‘iisul Wasaare Nuur Cadde, waa haddii uu ku guul-daraysto in uu ku qanciyo madaxda sare iyo hay’ adaha DFKM in ay la qaataan geeddi socodka nabadda ee uu wado. Sir ma aha in ay DFKM ka jiraan khilaaf ama kala aragti duwanaan ku aaddan dib-u-heshiisiinta iyada oo ay jiraan warar sheegaya in ay jiraan qorshayaal ka dhan ah Ra’ iisul Wasaare Nuur Cadde oo ka socda Baydhabo, xarunta Baarlamaanka DFKM ah.    
 
Sheekh Shariif Sheekh Axmed 
 
Sheikh Sharif

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya


Shabakadda Hiiraan Online waxa sidoo kale u muuqday sanadkii 2006 ifa-faale muujinayey rajooyin hoggaamin wanaagsan markii madaxnimada Maxkamahada Islaamka ee Muqdisho ka dhashay uu ku soo baxay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.  Xiligaas, Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaan ku magacawnay Shakhsiga Sanadka 2006. Anaga oo qornay, “ Shabakadda Hiiraan Online waxay u aragtaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu yahay Shakhsiga Sanadka, anaga oo aan doorashadayadaan ku salayn akhyaarnimada Sheekha oo kaliya basle eegnay sida uu ugu guuleystay in uu hoogaamiyo guulna gaarsiiyo dhaq-dhaqaad kala aragti duwan, liic-liicaya, mararka qaarkood taraaraxaya marar kalana aanba si taxadar leh u akhriyeyn xaqiiqada cadowga ay is hayeen. Wax kastaba ha keenaan guul-darradii ku dhacday Maxaakiimta Islaamka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxuu ahaa astaan nabadeed lixdii bilood ee taariikhiga ahayd, taas oo keentay in Sheekh Shariif la huwiyo hal-qabsiga halyeey iyo hoggaamiye.
 
Waxay shabakadda Hiiraan Online Soomaali badan kale la aragtay in Sheekhu uu leeyahay tilmaamo hoggaamiye hufan. Intii uu Sheekh Shariif hoggaanka hayey, Maxaakiimta Islaamka iyo dadka Muqdisho waxa ay eryeen hubkana ka dhigeen dagaal-oogayaashii, lix iyo toban sano kaddibna waxa ay dib u fureen dekeddii iyo gegidii diyaaradaha ee Muqdisho. Maxaakiimta Islaamku waxay nadiifiyeen magaala-madaxdii Muqdisho, waxay qaadeen jid-gooyooyinkii tirada beelay, waxayna celiyeen hantidii boobka dadka looga haystey, waxayna dadka Muqdishaad u soo hoyiyeen lix bilood oo nabad dahabi laga sheekaya ahayd.
 
Waxaa intaa dheer, haggaanka hufan ee Sheekh Shariif awgiis in Maxkamadaha Islaamku ay sanad gudihiis uga soo kabteen weerarkii Itoobiya ee dalka, kaas oo u muuqdey in uu cagta mariyey dhaq-dhaqaaqii Maxkamadaha. Waxay kaloo ka badbaadeen iskuday lagu doonay in doorka siyaasadda diblomaasiyad ahaan looga saaro. 
 
Maxaakiimta oo uu hagayey Sheekh Shariif, waxay kaloo muujiyeen bisayl siyaasadeed ee ku aaddan xaaladda qalafsan ee haysatey, waxayna is-bahaysi la galeen xoogga waddaniyiinta gaar ahaan Baarlamaanka Xorta ah, aqoon yahanka qurbaha; dib-isu-habayntaas oo dhalisay dhismaha Isbahaysiga Dib-u-Xorraynta Soomaaliya ee Sheekh Shariif uu hadda hoggaamiyo. 
 
Dad iyo dowladdo badan ayaa Isbahaysiga ku tilmaamay kab-kab aan wax ka soo qad lahayn kana baxay doorka siyaasadda Soomaaliya, go’doonna ku ah Casmara. Mar labaad ayay mucaaradku hal-adayg la yimaadeen iyo dagaal ka fool-ka fool ah iyo dadaal diblomaasiyadeed taas oo kala dadaadisay qorshihii Itoobiyaanka kana dhigtay DFKM mid aan dhiman, noolayna. Hakadka uu mucaaradku galiyey qorshihii Itoobiya iyo DFKM waxay keentay in aanay sii socon karin aragtidii ku salaysnayd gees-gallinta mucaaradka. Waxaana khasab noqotay in bulshada caalamku ay dib u eegaan is-bedel weyna ku sameeyaan siyaasaddoodda ku aaddan mucaaradka. Laba kaclaynta mucaaradka iyo ka soo kabashadooda dagaalka milateri iyo midka siyaasadeed ama diblomaasiyadeed waxay waqtigaan keentay in Is-bahaysiga loo arko awood weyn oo qayb ka ah siyaasadda Soomaaliya kuwaas oo aan sinaba looga maarmin nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya.
 
Taasina waa midda keentay dadaallada iyo dhexdhexaadinta xawaaraha ku socda oo Qaramada Midoobey ay ka dhex waddaan DFKM iyo Is-bahaysiga xarruntoodu ay Casmara tahay. Weliba, xaajadu waxa ay iminka maraysaa in bulshada caalamku ay ku qanceen in ay habboon tahay, bal lagu khasban yahay xalk Soomaaliya uu ku jiro in la hello dowlad mucaaradku ay garab ka yihiin iyo in ciidamada Itoobiya dalka laga saaro.

War-saxaafadeed ku taariikhaysan April, 4, 2008, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Axmedou Walad Cabdalla waxyaalaha ku qornaa waxaa ka mid ahaa, “ Waa calaamad wanaagsan in dhinacyada Soomaaliya ay si niyad ah uga wel-welayaan xaaladda Soomaaliya … waxaana la gudboon in ay is garabsadaan, midnimada qarankooda ku dadaalaan ayna fahmaan in awood qaybsi ay tahay jidka ugu habboon oo u furan.”  
 
In kasta oo ay jiraan tilmaamayaal muujinaya tallaabooyin loo qaaday dhanka nabadda iyo dad karti hoggaamin leh oo hurmuud ah sida Sheekh Shariif, haddana waa lagama maarmaan in aan hoosta ka xarriiqno caqabado daba-geddiyi kara dadaalada nabadda. Laba ka mid ah caqabadahaas ayaana noqon kara imtixaanka ugu danbeeya ee halbeegga u noqon kara heerka hoogaaminta ee Sheekh Shariif. Midda hore, haddii waan-waanta socota ay miro nabadeed ka dhashaan waxay noqonaysaa in DFKM iyo mucaaradku ay noqdaan maamul wadaag. Waxaanse sir ahayn in aan jacayl dhex ool labada dhinac, qola kastana ay dhinaca kale dhagta dhiigga uga dartay dad kumanaan kor u dhaafay. Haddaba, sida ay labada dhinac uga gudbaan dhibkii kala gaaray uguna gudbaan gole maamul waa culays dhammaantood hor imaan kara, gaar ahaan Sheekh Shariif.  Mid kale oo taas ka sii culus waa arrinta la xiriirta Al-Shabaab. Dagaal-yahanada Al-Shabaab kuma qanacsana dadaalada dib-u-heshiisiineed ee Isbahaysigu /ama Sheekh Shariif uu la wado DFKM ah. Xamakaynta Islaamiyiintaas dagaalka adag galay, islana saxsan, aadna u fiigsan waa xaajo aan sideeda u fududayn. Ku qancinta Shabaabka in ay joojiyaan falax-goodiga kana qayb noqdaan maamul meel dhexe la isugu yimid ayaa noqonaysa arrin kale oo taabata ama lagu miisaamo herka ay qodan tahay  hoggaaminta Sheekh Shariif.
 
Arrin khayraysan ayay u muuqataa in Ra ‘iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif ay waqtigaan hayaan hoggaanka awoodaha ugu muhiimsan kooxaha siyaasadda Soomaaliya. Waxaa iyaduna nasiib iyo isla soo doonasho wanaagsan ah wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya xilligaan u qaabilsan in uu yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee Muritaaniya – Axmedouou walad Cabdalla.
 
Waxqabadkii ilaa iyo hadda ee Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif waxay na galinayaan yiddi-diillo ah in ay yihiin shkhsiyaadkii ugu habboonaan in ay nabad ku soo dabbaalaan Soomaaliya. Waxaa iyaduna na farax-gelinaysa in Axmadou walad Cabdalla uu yahay dhiggooda ka socda bulshada Caalamka.
 
Waxaan rajeyneynaa madaxda iyo / hay’ adaha dowladda DFKM ah sida Baarlamaanka iyo kooxa mucaaradka ahiba in ay arkaan, ku mintidaan, taageerraanna fursadan ugubka ah ee ku aaddan in nabad iyo dib-u-heshiisiin loo helo Soomaaliya.
 
Wixii ra’yi ah ku soo dir:
[email protected]



 





Click here