4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Shirweyne Waqooyiga Amerika oo lagu tageerayo DFKMG ayaa ka dhacay gobolka California.

 






Anaheim, CA - Waxaan shirweyne aad looga soo shaqeeyay lagu qabtay gobolka California, Magaalada Anaheim ee Orange County.  Waxaa ka soo qeyb galay shirkan ilaa mas’uuliyiin gaarayso 150 xubnood oo ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka Marayakanka. Shirka ujeedadiisa waxay ahayd Taagreeda DFKM ee Somaliyeed iyo Soo dhaweynta shirkii dib u hashiisiinta ee dhowaan ku dhamaaday guul, Iyo waliba in lagu dhaleeceeyo kooxda isku magacaawday Barlamaanka Xorta ah iyo Maxaakiimtii Islaamka ee ku sugan Asmara Kuwaas oo abaabulayo shir lagu marin hababinayo Ummada Soomaaliyeed.    

waxaaana halkaas tix buraanbur ah ka tirisay Hooyo Soomaaliyeed oo la yiraahdo hooyo

 Ambiyo taas oo ka tarjumayso taageerada ay dowlada u hayso.  Waxaana qadka telefoonka uga qeyb galay xubnaha dowlada kuwooda marka la is dhihi karo waxaa loo qabay su’aalo iyo inay ka warbixiyaan howlaha ay ummada Soomaaliyeed u haayaan, Isla markiiba waxaa qadka telfoonaka uga qeyb galay wakiilka qaramada midoobey u fadhiya dowlada federalka AMB. Elmi A. Du’ale isagoo ku sugan xarunta New york kaas oo ka hadlay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeya DFK iyo iyo QM waxaana la weydiyay su’aalo ku saabsan hay’adaha samafalka Ee sooomaaliya inay la shaqeyaan DFK waxuuna halkaa ka cadeeyay in la soo afjari doono waxuuna ku nuuxnuuxsaday inay QM isku raaceen in soomaaliya loo diro ciidamo nabad ilaalin qarashkoodina la soo ogolaaday.

Isla markiiba waxaa isna qadka telefoonka shirka uga qeyb galay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Mudane Ali Abdullahi Ossoble Siyaad oo xiligaa ku sugnaa magaalda Nairobi, waxuuna ka warbixiyay wasaaradiisa inay shaqeyn doonto dhawaan sida ay ka dhawaajiyeen M/weyne Abdullahi Yusuf iyo R/Wasaare Prof. Ghedi. Waxa si weyn loogu sacab tumay mar kali ah heesta calanka si wadajir ah ay u wada qaadeen dhaamaan mas’uuliyiintii halkaas ka qeybgaleen ayna  ku soo dhaweyen qadkala telefoonka R/Wasaaraha DFK  Prof. Ghedi waxuuna isla markiiba dadka uga mahad celiyay taagerada aan kala go’a lahay ee u hayaan dolwladooda. Waxuuna dadka u sheegay inuu salaan uga sido M/Weynaha DFK Md. Abdullahi Yusuf iyo Gudomiyaha Barlamanka Soomaliya Shiiq Adan Madoobe.

Waxa uu ka warbixiyay R/wasaaruhu siyaasada guud ee dalka Soomaaliya waxuuna halkaas ka cadeyay inaysan jirin wax qilaaf ah inaysan ka dhex jirin isaga iyo M/weynihiisa Md. Abdullahi Yusuf. Waxuuna ka hadlay inuu maamul goboleedyadu ay sii fidayaan iyo waliba degmooyinka dhamaana ay yihiin kuwa salka u ah jiritaanka Qaranka Soomaaliya doorashooyinkana laga soo diyaarin doono mustaqbalka soo socda.  R/wasaaraha waxuu dadkii halkaas ka soo qayb galay ku booriyay inay ku dadaalan midnimada ummada soomaaliyeed taas oo hordhac u yahay shirweynihii nabadaynta ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Somaaliya kaas oo ay isku gacan qaadeen kuna heshiiyeen dhamaan qabaa’ilada soomaaliyeed. Waxuuna halkaa dhaleecayn dusha uga tuuray R/wasaaraha mucaaradka isku sheega ku sugan Asmara inay yihiin kuwa ka shaqeeya lugooyada ummada soomaaliyeed. Dowladiisana ay kala hadashay dalka Eritria inay joojiyaan dibin daabyada ee ku hayaan shacabka soomaaliyeed. Waxaa R/wasaaraha ka dib halkaas ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala yimid gudaha waqooyiga America.  

Waxaa jaaliyada Minnesota u hadlay Ing. Omar Shiiq Ali oo ka mid ahaa aqoonyahanada soomaaliyeed. Xildhibaanad Marwo Xido Farah oo iyadu ka mid ah qurba joogta kana mid ah barlamanka ku meel gaarka ah DFK waxayna halkaas u gudbisay shacabkii iskugu yimid inay horey u dhaqaaqaan oo ay ka qeyb galaan dib u dhiska dalka iyo harumarinta shacabkooda. Waxaa halkaa ka hadlay mas’uul ka mid ah mas’uuliyiintii ka soo shaqeeyay bangiga dhexe ee soomaaliyeed mudo dhan 21 sano mudane Maxamed Muumin oo ka tirsan Jaaliyada Sandiego. Waxaa qeyb libaax leh ka qaatay Dr. Abdullahi Hassan Yusuf (Spima) isla marakaan waxaa la wareegay hadlka mudane Osman Ahmed Ali (Kurtun Waareey) isagoo isla marka ahaan jiray gudoomiyihii hore ee Kurtun Waareey. 


Waxaan halkaa gabay Wadani ah ka tiriyay Mohamed Hiirad oo ka yimid jaaliyada Sandiego. Waxaana dhamaan halkaas si wadajir ah u wada hadlay una mahadceliyay dhamaan inta shirka ka soo qeyb gashay gudigii soo qaban qaabiyay waxaana kala yihiin mudanayaasha. 

1.         Mohamud Ali Biixi (Sandiego)
2.         C/raxmaan Ahmed Shiikh (Jabhad) (Los Angles)
3.         Mohamed Abdi Xayuuke (Miinimo) (Los Angles)
4.         Muqtaar Ahmed Mohamud (Katiitow) (Minnesota)
5.         Shukri Tooxow Mohamed  (Minnesota)
6.         C/raxmaan sheekh hassan (Timoos) (Minnesota)
7.         C/raxiin Ali Ahmed  (Los Angles)
8.         Abuukar Hiraabe ( Bakar) (Minnesota)
9.         Muxidiin shiikh Ahmed (Los Angles)
10.       Mohamud Mohamed Ahmed (Gaashaan) (Los Angles) 

W/D: Muqtaar Ahmed Mohamud (Katiitow)
 California, USA




 





Click here