4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Waa Sidee Khilaaf Madaxeynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha

Daahir Faarax Afdheere
Friday, October 05, 2007

 

Cabdullahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geedi

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi

Waxaa baryahaan dambe aad usoo banayo khilaaf u dhexeeyo  Labada masuul ee ugu saraysa DFKMG ah Col. Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali maxamedd Geedi. Hadaba su aalaha ay dad badani is waydiiyaan ayaa ah, maxaa sababay khilaafka Geedi iyo yuusuf?

 

Iyadoo ay adagtahay in la ogaado xaqiiq faradan oo qarsoon ayaa in muddo ahba waxaa labadaan nin uu xaalkoodu ahaa MINDI MINDI KU TAAG!!!  Waxaase aan shaki ku jirin oo ay dad badani rumaysan yihiin in sababaha ugu weyn ee  khilaafkoodu uu yahay in midba midka kale uu usoo gudbay xuduudihii qaanuuniga ahaa ee ay kale lahaayeen,  taasoo keentay isku dhaca aad u wayn.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo dhawdhaw  Cabdullahi iyo Geedi ayaa sheegay in Col Cabdullaahi Yuusuf rumaysan yahay in uu wadanka ku jiro marxalad xun isla markaana uu kal hore isagu la wareegay awoodda dalka,   xaalad degdega awgeed,   sidaa darteedna aysan xukuunmadda Geedi marnaba ku dhaqaaqi karin go’aan  ama hishiis uusan Madaxeynaha  hoosta ka xariiqin.

 

Hase yeeshee Geedi waxaa aan marnaba u cuntamin in lagu soo fara galiyo hawshiisa ah Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda. Waxaana arimaha ugu wayn ee Geedi ka carooday kamida ah:-

 

In madaxwaynaha uu soo fara gashado dhaqaalaha loogu yabooho dawladda  iyo sida laga yeelayo  waayo hawshaas waa hawl u gaar ah  xukuumadda iyadoo u samaysatay lacaghayn.

 

Iyadoo labadaan masuul uu khilaafkoodu in mudda ahba soo jiitamayay, ayaa hadana waxaa warar la xaqiijiyay ay sheegayaan in uu  khilaafku cirka isku shareeray, kadib markii laysku qabsaday lacag ay ugu yaboohday boqortooyadda sacuudi careebiya iyo sida laga yeeli lahaa, iyo cida noqon lahayd lacaghayn, taasoo abuurtay  in la isku mari waayo;  waxaa ilaa hadda aan jirin cid la isku afgarto oo loo dhiibo lacagtaas, waxay taasina keentay in lacagta ay sii hayso boqortooyadda sacuudi careebiya inta xal loo helayo khilaafka soo kala dhex galay labadaas masuul.

 

Arinta kale ee sababtay in khilaafku uu cirka isku shareero ayaa ah  in col abdulaahi yuusuf uu  isagu raali ka yahay  hishiis shidaal qodid ee  uu gaaray maamamul gobaleedka puntland, ee  ee beeshiisa.

 

Halka Geedina uu arinkaa ka biyo diiday oo gaashaanka u daruuray  waayo  puntland ayaa hoostimaado xukuumadda soomaliya ee uu  ra, iisul wasaaraha ka yahay Geedi.

 

Inkastoo labadaan masuul ee sasare ay horay oga midaysnaayeen tacadiyada lagu hayo shacabka masaakiinta ah ee horay ugu naafoobay colaadaha ayaa hadana waxaa hishiiskoodii hore shiiqiyay isku dhaca weyn ee soo kala dhax galay waayo soomaalida ayaa tiraah “ hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhasho”.

 

Madaxweyne Cabdullaahi yuusuf oo ah rugcadaa galgal badan oo ku taqasususay  maleegidda xargaha siyaasadeed ayaa isagu ka shaqaynayo sidii uu oga taqalusi lahaa Geedi, isla markaana u keensan lahaa qof u dhega nugul amaawiirtiisa. Isagoo sabab ka dhiganayo inuu Geedi waqtigiisi dhamaaday.

 

Hase yeeshee iyada oo awoodda xil ka qaadida iyo dib u doorashada  Geedi ay tahay arin u taalo baarlamaanka, ayaa Geedi waxaa uu wadaa in uu soo jiito oo iska dhiso xubnaha beelaha hawiye ee baarlamaanka, iyo kuwo Kale oo badan,    waxaad hadaba moodaa in xubnaha baarlamaanku  ay ka maaganayaan oo caga jiid ka yihiin xil ka qaaadida Geedi

 

Waxaana ay dad badani rumay san yihiin in xubnaha baarlamaanku  uu haatan xaalkoodu isagu soo biyo shubtay . Af wax cunay xishoo!!!

 

Ra'iisul wasaare Geedi oo aan oo aan kalsooni fara badan ka haysan Beeshiisa Hawiye oo aad loogu xasuuqay magaalada muqdisho, ayaa beryahaan dambe waxaa uu bilaabay inuu  kalsooni  raadiyo, si uu maamuus ugu dhex yeesho beeshiisa.

 

Isagoo kal hore magaalada jabuuti kula kulmay Sh. Abuukar Cumar cadaani oo ahaa xubin ka mida xubnaha ugu waaweyn ee maxkamadihii islaamiga ahaa ee la mija xaabiyay. Waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in sh. abuukar oo ay Geedi jifo hoose wada yihiin ay haatan isu soo dhawaadeen.

 

Waxaa hadaba labadaan  masuul khilaafkoodu uu sababi karaa in DKMG ah ay kula jabto laba garab , taasoo laga cabsi qabo in uu dagaal dhex maro labadaas garab  taas oo sababtay in ciidamada Uganda iyo itoobiya ay ku amreen labadaan masuul in ay hubka wareejiyaan isla markaana ilaaladooda la badelo waayo ilaaladooda ayaa ah midkasta qabiilkiisa oo soocan  iyadoo laga cabsi qabo inay isu hardiyaan qabiil ahaan.

 

Col. Cabdullaahi yuusuf oo ay adag tahay sida uu u aamino cid ka baxsan jifadiisa hooso ayaa isagu isku xayndaabay ilaalo gaaraysa ilaa kun askari oo jifadiisa hoose ah, waxaana uu ku gacan sayray oo gaashaanka u daruuray taladii ay soo jeediyeen ciidamada nabad ilaalinta ee Uganda iyo Itoobiya.

 

Isku soo wada duuduuboo khilaafka iyo is marinwaaga Geedi iyo yuusuf  iyo sida ay u kala adkaan karaan waa mid ku xiran xukuumadda itoobiya iyo hadba ciddii ay la jirsato.

 

 Daahir Faarax Afdheere

Email: [email protected]



 





Click here