4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
SAWIRRO: Magaalada Tromsø Dalka Norway sida maanta looga Ciiday



Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Iyadoo maanta ay tahay Maalintii 1-aad ee Ciidul-Adxaa, ayaa waxaa Muslimiinta ku Nool Magaalada Tromsø oo ay Soomaalida qeyb ka tahay waxa ay ku dukudeen Salaaddii Ciidda gudaha hoolka Tromso Hallen oo ku yaalla Magaalada Tromsø, Nowray waxaa isugu yimid hoolkaas boqolaal muslimiin ah oo ku kala nool gudaha iyo daafaha magaaladani.

Soomaalida ku nool magaalada Tromsø iyo ajaaniibta kale ee islaamka ah ayaa la arkayay iyagoo isugu marxabeynaya maalintaan aadka u qiimaha badan ee lagu maamuusayay ciida carrafo, waxaana sidoo kale isu soo baxay dhammaan Odeyaasha, Waxgaradka, Haweenka, Dhallinyarada iyo Caruurta ku nool Tromsø oo si weyn looga dareemayay farxadda Ciidda.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa farxaddooda la wadaagay Ummadda Islaamka ah ee ku nool daafaha Caalamka oo dhan, iyagoo ka dalbday qof kasta oomuslim ah inuu gargaaro walaalahooda aan awoodin inay ka farxiyaan caruurtooda.

Ugu dambeyn, Culumada Magaalada Tromsø, ayaa iyaguna soo bandhigay Muxaadarooyin diini ah oo ku saabsan ahmiyadda ay leedahay weyneenta ceynkaan oo kale ee Ciidul-Adxa maadaama ay malaayiin Muslimiin ahi Guteen Waajibaadka xajka iyagoo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay is cafiyaan oo ay u Duceeyaan Dalkooda si uu u noqdo dal xasilloon oo ka gudba marxaladaha aan wanaagsaneyn.

Maxamed C/qaadir Daahir
[email protected]
Magaalada Tromsø, Norway



 





Click here