4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
MAREYKANKA: Magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia oo maanta si weyn looga ciiday (Sawiro)



Isniin, September 12, 2016 (HOL) — Muslimiinta ku Nool Magaalada Atlanta ee Gobolka Georgia ee wadanka Mareykanka, ayaa maanta si weyn isugu soo baxay si ay Munaasabada Ciidul-Adxaa oo maanta billaabatay ugu dabaal-dagaan.

Aroornimadii hore ee saaka, ayaa dad aad u tiro badan waxey iskugu tageen Garoon lagu ciyaaro Kubada Gacanta oo ku yaallo agagaarka wadada Memorial Drive ee xaafada Stone Mountain ee degmada DeKalb oo uu kireeyay Masaajidka Sunnah oo ah Masaajidkii ugu horeeyay oo Soomaali ay ka dhiseen North America.

Sheekh Nuux Sheikh Ciise oo ah Imaamka Masaajidka Sunnah; isla markaasna Salaaddii Ciida maanta ku tujiyay boqolaal qof Garoonka Action Sports Academy, ayaa khudbadiisii Salaadda ka danbeysay wuxuu oga hadlay Cabsida Alle iyo in la-is-cafiyo; dadkuna ay ka shaqeeyaan nabada iyo walaaltinimo in lagu wada noolaado.

Imaamka, ayaa ku booriyay dadkii ka qeyb galay salaadaas iney baariyaal u noqdaan waalidiintooda sidoo kalana farxada ciida darteeda ay xiriiriyaan Ehelka iyo Qaraabadooda.

Ugu dambeyntii, Dad badan ayaa iyagna maanta ku kala tukaday Salaadda Ciida Masaajida Al-Mu’miniin iyo Towxiid oo ku yaallo isla magaalada Atlanta.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
E-mail: [email protected] 
Atlanta, Georgia – Mareykanka



 





Click here