5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 26, 2024
Koonfur Galbeed oo sheegtay in heshiis laga gaaray colaaddii ka taagnayd degmada Diinsoor
 

Jimco, April, 26, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xal laga gaaray colaad labo beelood ku dhex martay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdullaahi Xaaji Xasan waxa uu sheegay in labada beelood ay qaateen nabad. Ka dib dadaalo badan oo la sameeyay ayuu sheegay in lagu heshiiyay in dirir dambe aysan dhicin.

“Labada beelood waan isku keennay, waxayna raalli ku yihiin oo qaateen nabadda. Odayaaasha labada beelood iyagoo gacmaha is haysta ayaaan soo bandhignay, waana guul weyn oo laga gaaray colaadda,” sidaasi waxaa yiri wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed.

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay colaadda dhexmartay labada beelood. Boqolaal qoys ayaa sidoo kale colaaddan awgeed guryahooda uga barakacay, kuwaas oo maciin biday meelo miyi ah inay u cararaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo kala dhex dhigtay maleyshiyaadka labada beel ee dagaalamayay, waxaana amniga degmada Diinsoor lagu wareejiyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ganacsigii magaalada Diinsoor ayaa weli xiran, ka dib saamaynta ka dhalatay colaadda labada beelood.