5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 23, 2024
QM oo ka digtay daadad ka dhalan kara roobabka Guga inay saameeyaan 770,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya
 

Talaado, April, 23, 2024 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa ka digtay fatahaado baahsan oo ka dhaca Soomaaliya, sababo la xiriira xilli roobaadka Guga, kuwaasi oo barakicin kara boqolaal kun oo qof.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (OCHA), roobab mahiigaan ah oo da'aya bilaha April-June ayaa la filayaa in ay saameeyaan ku dhawaad 770,000 oo qof oo ku kala nool 22 degmo.

OCHA waxay sheegtay in shaqaalaha bani'aadamnimada ay diyaariyeen qorshayaal lagu yareynayo saameynta la filan karo. Si kastaba ha ahaatee, hay’addu waxay sheegtay in ilo degdeg ah weli loo baahan yahay si loo xaqiijiyo jawaabta waqtiga ku habboon.

OCHA waxay ka digtay roobabka culus inay kordhinayaan halista daacuun caloolaha oo ka dillaaci kara gobollada aan cudurka laga soo sheegin sannado badan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in kala kaashatay mas'uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya dadaallada diyaar-garowga ah ee uu hagayo qorshe hawleed lix bilood ah oo dhan $5.9 milyan si wax looga qabto xaaladaha daacuunka ee ka dhalan kara fatahaadaha.