5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2024
Booliiska gobolka Banaadir oo xabsiga dhigay mid ka mid dadka caanka ka ah baraha bulshada
 

Isniin, April, 22, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir, gaar ahaan kuwa degmada Hodan ayaa xabsiga u taxaabay mid ka mid ah shaqsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada, kaasoo loo yaqaano Gariiraaye.

Ninkaan oo lagu magacaabo Hanad Cabdiraxmaan Maxamed Gariiraaye ayaa Booliiska uu sheegay in loo xiray baahinta muqaalo anshax xumo badan oo dadka Soomaaliyeed intooda badan ay dhibsadeen.

"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhiga Boliiska Hodan oo gudanaya waajibaadka ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xiray Hanad C/raxmaan Maxamed (Gariiraaye). Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed  waxay ka qaadidoonaa tilaabo sharciga waafaqsan  cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa suuban ee Bulshada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska gobolka Banaadir.

Muqaalada anshax xumada badan ee ninkaan uu ku baahiyay baraha bulshada ee loo xiray ayaa waxaa ka mid ah inuu xirto dharka Dumarka uu isaga duubo Muuqaalo isagoo sameynaya niiko iyo waxyaabo kale oo la mid ah.

Muqdisho waxaa marar badan lagu xiray qaar ka mid ah dhalinyarada caanka ah baraha bulshada ee Internetka, kuwaas oo mararka qaar soo duuba muuqaalo anshax xumo badan, hayeshee booliiska waxay sheegeen in Gariiraaye ay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan.