5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2024
Somaliland oo si cadho leh uga jawaabtay warmurtiyeed kasoo baxay waddamada G7
 

Axad, April, 21, 2024 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay warmurtiyeed ka soo baxay waddamada G7, oo Somaliland ku tilmaamay gobol Soomaaliya kamid ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagaga jawaabay warmurtiyeedka G7.

"Waxa xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee G7, kaasi oo Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalka waxa lagu sheegay in warmurtiyeedka G7 uu muujinayo dacaadnimo darro iyo wax aan laga aqbali karin, "madaama oo dawladaha G7 ay si wanaagsan uga warqaba taariikhda midowgii labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya inuu ahaa mid aan sharciyad ku sallaysnayn oo uu meesha ka baxay" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Qoraalku wuxuu intaa ku daray in Somaliland ay tahay qaran madaxbannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meelmariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.

"Waa wax lagu dawakho in la arko dalalka  G7 oo sheegta inay fulinayaan dimuqraadiyaddu ay go'aansadaan inay dayacaan xaqiiqada  dimuqraadiyadda dhabta ah iyo deganaanshaha Somaliland" ayaa lagu qoraalka.

Ugu dambayn waxa qoraalka lagu yidhi "Wasaaradda arrimaha dibaddu waxay  u xaqiijisay dalalka G7 inay la socdaan gardarooyinka isa soo taraya ee Soomaaliya iyo iskudayga hoggaankeedu wadaa ay dib u soo istaadhi karto colaadii hore u dhex taalay Somaliland iyo Soomaaliya iyo mid cusub".