5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2024
Shil naxdin badan oo sababay dhimasho iyo dhaawac oo Maanta ka dhacay Muqdisho
 

Sabti, April, 20, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil gaari oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka xerada ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilka gaari ayaa yimid kadib markii gaari weyn oo nooxa Xamuulka qaado ah uu ku bareeg goostay wadada laamiga ah, islamarkaana uu ku dhacay gaari noociisuu ahaa Surf, dabadeedna dul maray mooto Bajaaj mareysay wadada oo ay saarnayeen dad shacab ah.

Ilaa sadax ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen shilkaan baabuur ee maanta ka dhacay muqdisho, kuwaas oo saarna mooto Bajaajta uu dulmaray gaariga Xamuulka ah oo noociisu Soomaalida u taqaano Waaraad, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad galyada wadooyinka iyo Booliiska ayaa u gurmaday dadka ay waxyeelada kasoo gaartay shilka Baabuur oo ahaa mid naxdin badan.

Ugu dambeyntii shilkaan ayaa kusoo beegnaya, iyadoo isbuucyo ka hor shil kale oo kasii naxdin badnaa mid kaan uu ka dhacay Muqdisho, kadib markii gaari weyn oo nuuca xamuulka qaad ah ku dul dhacay gaari caasi ahaa oo ay saarnayeen dad soona oo kusii jeeday guryahooda.