5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2024
Turkiga oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Soomaaliya shidaal baaris ka sameynayo sanadka 2025
 

Sabti, April, 20, 2024 (HOL) - Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa ku dhawaaqay in sanadka 2025 uu Turkiga ka bilaabayo xeebaha Soomaaliya howlo shidaal baaris ah.

Hindisahani ayaa daba socda heshiis laba geesood ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada oo ay kala saxiixeen Soomaaliya iyo Turkiga. Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay heshiiskaas

“ Turkiga iyo Soomaaliya ayaa hadda diyaar u ah inay horumariyaan kaydka shidaalka ee Soomaaliya. Heshiiska waxaa ka mid ah baarista, ka faa'iidaysiga, horumarinta iyo soo saarista shidaalka xeebaha Soomaaliya." Ayuu yiri Bayraktar.

Marka laga soo tago qorshayaasha uu turkigu ka leeyahay Soomaaliya, Turkiye wuxuu sii wadaa ballaarinta awooddiisa tamarta gudaha.  Sanadkan wuxuu qorsheynayaa inuu 140 ceel ka qodo meelaha ay ka mid yihiin Hakkari iyo Van.

Turkiga ayaa saaxiib muhiim ah la ah Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011, markaasoo Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdogan uu booqday xilli ay ka jirtay abaaro dad badan ay ku dhinteen.

Wixii intaas ka dambeeyay, Turkigu waxa uu Soomaaliya u fidiyay gargaar bini’aadantinimo iyo kaalmo miisaaniyadeed.