5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo bilad sharafyo guddoonsiiyay Xulka 17 jirada Qaranka ee kusoo guuleystay Koobka CECAFA


Isniin, October, 17, 2022 (HOL) - Iyadoo Maanta dalka ay dib ugu soo laabteen Xulka 17 jirada Qaranka Soomaaliya oo dhawaan kuso guuleystay koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa isla Maanta madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, isagoona ku ammaanay Xulka 17 jirada inay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhalinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha.

Munaaaabada uu Madaxweyne Xasan Sheekh u sameeyay Ciyaartooyda Maanta Muqdisho kala soo dagay Koobka Bariga iyo bartamaha Afrika waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa hadiyado iyo bilad sharafyo waxaa lagu guddoonsiiyey maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahanada xulka 17 jirada ee guusha taariiqiga ah u soo hoyey dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Xasan oo Munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadin iyo dhiirri gelin ah u jeediyey dhalinyarada Ciyaartoyda ah, islamarkaana uga warbixiyey sida ay dowladda uga go’an tahay in gacan ay kula dagaalanto Alshabaab gacanta kalena mustaqbal ifaya ugu abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Dhallinyarada 17-jirka ah ee maanta magacaas inoo soo hoyey iyo dhiggooda geesiyaasha ah ee furimaha dagaalka ka difaacaya dadkooda waa labo ifafaalo oo muujinaysa kartida iyo waxa ay qaban karaan shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Gabagabadii masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu matalayey Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Cabdullaahi Sheekh Nuur ayaa Madaxweynaha guddoonsiiyey Koobka ay ku soo guuleysteen Xulka 17 jirada Qaranka Soomaaliya, isagoona uga mahad celiyey madaxweynaha hab maamuuska iyo dhiirri gelinta uu u sameeyey bahda ciyaaraha dalka Soomaaliya.