5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2022
Xisbiga Waddani oo ka hadlay xaalada xumada Somaliland
 

Isniin, October, 17, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in xaalada xumada Dangi ee ku dhufatay shacabka Somaliland ay meel xun marayso, isla markaana xukuumadu ay ku guuldaraysatay in ay wax ka qabato.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dayriyay xaalada xumada, waxa uu sheegay in isbitaaladii buux dhaafeen isla markaana dawooyinku qaaliyihiin.

"Waxad soo tabinayseen in isbitaalkii oo buuxsamay, waxad soo tabinayseen in qolka xaalada deg dega ah hortiisa in ay dadkii jiifaan, waa xaalad xanuun badan ... isbitaalka marka lagu geeyo kaanooluhu waa lacag, irbada farmasiga aad kasoo iib sanaysa waa lacag" ayuu yidhi Batuun.

Waxa uu sheegay in hooyada ama aabaha danyarta ah ee ay xumadu soo ridataa, aanu awoodi karin in uu iska bixiyo kharashka faraha badan, ee ku baxaya dawayntiisa, wuxuuna xukuumada ku eedeeyay in ay ku guuldaraysatay in ay damaanad qaado caafimaadka danyarta.

Waxa kale oo uu sheegay in marka xaaladan oo kale timaado ay ahayd in xukuumadu samayso koox gaar ah oo ka howlgasha wax ka qabashada xumada, in xaalad deg deg ah lagu dhawaaqo iyo in dunida baaq caawimo loo diro.

Batuun ayaa sheegay in dadka xumada u dhimanayaa ay aad u badanyihiin oo xataa ay qoyskiisa saamaysay "Waxa muuqata in dadka u dhimanayaa ay tirro beel yihiin, aniga waad i arkayseenoo inankii aan adeerka u ahaa, xumada ayuu daraad u dhintay".

Xumada Dangi oo ay faafiso nooc kaneecada kamid ah, ayaa Somaliland si ba'an uga dilaacday xili roobaadkan, iyadoo qoyaanka dhirta iyo ceelasha biyaha ee buuxaa ay sabab u noqdeen in kaneeco tirro beel ahi dhalato.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]