5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2022
Madaxweynaha Puntland oo casuumaad u fidiyay Xulka 17-jirrada Soomaaliya ee ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA
 

Isniin, October, 17, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa casumaad u fidiyey Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

Xulka 17 jirrada Soomaaliya ayaa 15-kii bishaan October ku guulaystay koobankan, kadib markii ay 3-1 uga adkaadeen xulka 17 jirrada ee dalka Koonfurta Suudaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in casuumaada gaarka ah uu dhabarka u ridinayo urur siyaasadeedka KAAH ee uu guddoomiyaha ka yahay, kaas oo xalay xaflad weyn ku qabsaday Garowe.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen xulka qaranka, isagoo sheegay in taariikhda ay galeen dhammaan dadkii ka qeyb qaatay guusha ay gaareen ciyaartoyda Soomaaliyeed.

“Waxaan halkan kaga dhawaaqayaa, magaca Ururka KAAH ayaa dhalinyarada 17-jirrada ah ku casuumay Puntland si ay ugu dabbaal-degaan, kharashaadka ku baxayana ururka ayaa bixin doona”, ayuu yidhi madaxweyne Siciid Deni.

Si kastaba ha ahaatee, xulka 17 jirrada Soomaaliya oo wata koobkii ay kusoo qaadeen magaalada Addis Ababa ayaa maanta kasoo dagaya magaalada Muqdisho, halkaas oo soo dhowayn ballaaran loogusii diyaariyay.