5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 17, 2022
Raysal wasaare Xamse: Dowladdu cunaqabatayn ayay ku soo rogi doontaa cid walba oo gacan saar la leh Al-shabaab
 

Isniin, October, 17, 2022 (HOL) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdiisu ay dagaal dhab ah kula jirto Al-shabaab ayna cunaqabatayn ku soo rogi doonto cid walba oo gacan saar la leh kooxda Al-shabaab.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in dowladdiisu guulo waawayn oo la taaban karo ay ka gaartay dagaalka hadda ka socda gobolada dhexe, halkaas oo uu sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanku ku xoreeyeen dhul badan oo Alshabaab maamulayeen muddo dheer.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ku siiyay warbaahinta Alcarabiya TV.

Wuxuu uga warbixinayay howlgallada ka socda Hiiraan ee loogasoo horjeedo Alshabab iyo xaaladda abaareed ee dalka.

Raysal wasaare Xamse waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay ka guulaysan doonaan Alshabaab.

Hadalka wasiirka koowaad ee dalka ayaa kusoo aaday, iyadoo xukuumada Soomaaliya ay dhawaan digniin u dirtay ganacsatada iyo shirkadda, kuwaas oo ay sheegtay in aanay wax la xiriir la sameyn karin Alshabaab, siina karin wax lacag ah.

Dowladdu waxay hadda ku howlan tahay inay tallaabadii ugu horraysay ka qaaddo shakhsiyaad iyo shirkado ganacsi oo baaris ku socoto, loona haysto inay macluumaad u gudbin jireen kooxda Alshabaab.