5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2022
Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday qaybo kamid ah magaalada Bahirdar
 

Axad, October, 16, 2022 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Wafsigiisa ayaa maanta booqday qeybo kamid ah magaalada Bahirdar oo maalmahan uu ku sugnaa Wafdigu.

Booqashadan ayaa waxaa Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ku weheliya qaar kamid ah madaxda gobolka Axmaarada iyo qayb kamid ah xubnihii kasoo qayb galay Shirkii Tana Forum ee maalmahan ka socday magaalada Bahirdar ee degaanka Axmaarada.

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa iyo waliba madaxda kale ee socdaalkan ku weheliya waxay soo kormeereen howlaha hormarka ee ka socda Bahirdar, iyo waliba goobaha kale ee dalxiiska ku haboon ee ku yaal magaalada Bahirdar.

Waxay sidoo kale booqdeen Wafdiga iyo madaxda kale ee wada socday Jaamacadda Bahirdar oo kamid ah Jaamacadaha ugu waawayn dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha Jaamacadda Bahirdar Dr Frew oo la hadlay Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ardayda ka imaanaysa Soomaaliya ay Jaamacaddu siin doonto Waxbarasho lacag la'aan ah.

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay ku sugnaayeen dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Bahirdar ee gobolka Axmaarada.

Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha ayaa la filayaa in dhawaan ay gaaraan qaybo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida.