5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2022
Weriye Cabdalle Muumin oo maanta lasoo taagayo maxkamadda gobolka Banaadir
 

Axad, October, 16, 2022 (HOL) - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii ugu horraysay dhegaysandoonta dacwadda loo haysto weriye Cabdalle Axmed Muumin oo ah xoghayaha ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SJS.

Weriyahan ayaa muddo todobaad ah u xiran dowladda, kadib markii uu todobaadkii hore sharci darro ku tilmaamay amar dowladda kasoo baxay oo saxaafadda looga mamnuucay inay tebiso wararka Alshabaab

Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudbisay dacwadda loo haysto weriye Cabdalle Muumin. Illaa haddana ma cadda dambiga loo haysto weriyahan. Khamiistii tagtay maxkamadda ayaa dib u dhigtay kiiskan kadib markii xukuumaddu ay gudbisay eedayn aan caddayn.

Wasaaradda warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in weriye Cabdalle Muumin uu xiran yahay hay’adaha amniga, iyadoo iska fogeysay in xirnaanshaha uu xidhiidh laleeyahay falcelin uu ka sameeyay go’aankii saxaafadda looga mamnuucay faafinta wararka Alshabaab kasoo baxa.

Canbaarayn badan oo gudaha iyo dibadda ayuu la kulmay xarigga Cabdalle Muumin. Garyaqaanka loo qabatay Cabdalla Muumin ayaa maanta ka hor difaaci doona maxkamadda eedaynta ay dawladda soo jeedinayso oo laga sugayo caddaymo inay la timaado.