5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 16, 2022
Wasiirka ganacsiga: 4 shirkadood oo wax soo dajiya ayaa Alshabaab u gudbiya macluumaadka shixnad kaste oo dekedda lagasoo dajiyo
 

Axad, October, 16, 2022 (HOL) - Wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sheegay in ay jiraan 4 shirkadood oo wax soo dejisa, kuwaas oo Al-Shabaab u soo gudbiya wax soo dejinta badeecadaha, si ay Al-Shabaab canshuur uga qaataan.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxay ka cabanayaan, ninka ganacsadaha ah inta uusan helin Konteenarka kasoo baxa China macluumaadkiisa, ayay kooxaha Shabaab helaan, waxaana la wadaaga arrinkaas oo aan haynaa saddex illaa afar shirkadood,” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Wasiirka ganacsiga ayaa wuxuu ugu baaqay wasiirka dekedaha dowladda Soomaaliya inuu shatiga kala laabto dhammaan shirkadahan. Isagoo sheegay inuu la wadaagidoono magacyadooda iyo xogtooda.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay aad uga cabanayaan Nootaayooyinka kuyaala Muqdisho, kuwaas oo ay sheegeen inay si toos ah ula shaqeeyaan Alshabaab, una gudbiyaan guri kasta iyo boos kasta oo lakala iibsado.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in nootaayooyinkaas laga fiirsado, lagalana laabto sharciga ay ku shaqeeyaan oo ay wasaaradda caddaaladu u sameysay.