5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2022
28 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab oo lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellada dhexe
 

Arbaco, December, 14, 2022 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo caawin ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa 28 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada dhexe.

Warsaxaafadeed dowladda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada ay sameeyeen howlgalkaan ka dib markii ay ka war heleen inay Alshabaab isku arursadeen tuulada Juxaay, si ay duullaan ugusoo qadaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in jab xooggan la gaarsiiyay Shabaabka deegaankaas isku arursaday, lana sii baacsanayo firxadkooda.

Howlgallada ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa dhaliyay in Alshabaab laga saaro dhul ballaaran oo kuyaalla Hirshabeelle, iyada oo boqolaal katirsan dagaalamayaasha Alshabaab iyo saraakiishooda lagu laayay howlgalladaas.