5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2022
Puntland oo dil ah ku riday labo nin oo katirsan Alshabaab oo Gaalkacyo ku dilay nabadoon caan ah
 

Arbaco, December, 14, 2022 (HOL) - Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo katirsan Alshabaab, kuwaas oo ka dambeeyay dilka nabadoon Cabdiqani Xasan Walloore, kaasoo bishii June ee sanadkan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan (Goobe) iyo Salaad Maxamed Cabdi ayaa xukunkaan lagu riday, kaddib markii ay qirteen inay iyagu soo maleegeen ayna ka dambeeyeen dilka nabadoonka.

Abuukar Cabdi Cabdiraxmaan (Goobe) ayaa iska lahaa qorshaynta abaabulka dilka, halka Salaad Maxamed Cabdi uu gacantiisa ku dilay nabadoonka xilli habeen ah, isagoo cishihii kasoo baxay masjid lagu magacaabo Macmuur oo kuyaala xaafadda Garsoorka ee Gaalkacyo.

Ciidamada amniga Puntland ayaa wax kayar bil ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanayasha. Kaddib baaritaan lagu waday muddo ka badan shan bilood, ayaa ugu dambayn maanta lagu xukumay xukun dil toogasho ah.